Qaraxyadii Sri Lanka: Rasaas la iswaydaarsaday xilli sare loo qaaday baaritaanka booliska

Booliska Sri Lanka ayaa sheegay inay rasaas iswaydaarsadeen koox hubaysan oo ku sugan bariga dalka xilli ciidammadu ay baarayeen dadkii ku lugta lahaa qaraxyadii Axaddii.

 

Afhayeen u hadlay milateriga ayaa sheegay in qarax uu sidoo kale dhacay xilli boolisku uu howlgal ka fulinayay magaalada Ampara Sainthamaruthu, ee u dhaw Batticaloa.

 

Howlgal kale oo laga fuliyay meel aanan halkaa ka fogeyn, ayuu boolisku sheegay in la soo qabtay walxa qarxa iyo tuute ay leeyihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

 

Goor sii horraysay ra’iisul wasaaraha Sri Lanka ayaa waxa uu sheegay in aanan la soo sheegin wax digniinna ah oo ku saabsan weerrar.

 

Qaraxyo xidhiidh ahaa oo la soo abaabulay oo Axaddii lagu qaaday saddex hoteel oo nooca loo tamashlaha taga ah iyo saddex kaniisadood ayaa waxa ay galaafteen nolosha ugu yaraan 250 qof.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker