Ururka Alshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Ciidamada Kenya ee Gobolka Laamuu

Muqdisho (OWN) – Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan kuwa Booliiska dalkaasi qarax nooca miinada ah lagula eegtay waddada xeebta ah ee gobolka Lamu, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

 

Qaraxa ayaa  lala Bartilmaameedsaday gaadhi ay la socdeen koox ka tirsan qeybta ilaalada xuduudaha (BPU), sida uu Warbaahinta uu sheegay taliyaha Booliska Gobolka xeebta ah Gabriel Musau.

 

Sidoo kale wuxuu in taasi ku daraya in Qaraxa ay ka bad-baadeen saraakiisha lala eegtay, islamarkaana uusan wax jirin wax khasaare oo ka dhashay halkaasi.

Gabriel Musau ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in kooxda ka dambeysay falkaasi inay ku fashilmeen isku daygoodii, islamarkaana haatan lagu raad joogo.

 

“Khasaare lama soo sheegin. Way baxsadeen ka dib isku daygoodii waa uu dhicisoobay laakiin waan ku daba jirnaa,” ayuu yidhi Musau.

 

Taliyaha ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday inay kordhin doonaan howl-gallada ka soda gobolka, si looga hortago Weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

 

Si kastaba Weerarkii u dambeeyey ayaa  dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen duleedka Wajeer, iyaga oo ku burburiyey xarun isgaadhsiineed oo ku taalla halkaasi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker