Booliska Britain Oo Awood Balaadhan Lasiiyey

Booliska Britain ayaa awood loo siiyey iney cid walba baaritaan ku sameeyn karaan, tallaabadaasi oo lagu tilmaamay mid gacan ka geysan karto fal dambiyeedka istoorriyeynta ee dalka Britain ku soo badanaya.

Wasiirka arrimaha gudaha Sajid Javid ayaa sheegay iney ciidamada booliska u fududdahay dadku iney si joogta ah u baaraan iyaga oo aan abbaareyn dadka laga shakisan yahay oo keli ah iyaga oo fiira gaar ah u yeelanaya goobaha ama xaafadaha ay fal dambiyeedyada istoorriyeynta ka dhacaan.

 

Go’aankan booliska awood dheeraadka lagu siiya ayaa imaneysa marki uu sanadki hore ahaa sanadki faldambiyeedyadii istoorriyeynta ee ugu badnaa ay Britain ka dhaceen.

Dadka u dhadhaqaaqa arrintan waxay sheegeen tallaabbadan iney tahay “Niyad jab iyo dib u dhac” dadka oo la joojiya kaddibna la baarana ay dhibaatada jirta xal u noqon kareyn.

 

Balse Mr Javid wuxuu sheegay “Booliska inuu safka hore uu kaga jiro ka hortagga dambiyada foosha xun ee noocan ah waxaanna siinnay dhammaan qalabki ka caawin lahaa iney waajibaadkooda gutaan”.

Waxaana ciidamada ugu badan laga howlgeliyey xaafadaha iyo magaalooyinka ay 60% istoorriyeynta ka dhacaan sida: London, the West Midlands, Merseyside, South Yorkshire, West Yorkshire, South Wales iyo Greater Manchester.

 

12 kii bilood ee lasoo dhaafay waxaa magaalada London lagu dilay 12 dhalinyaro Soomaali ah, waxayna taas ka dhigan tahay in bil kasta celcelis ahaan la dilayay hal wiil oo Soomaali ah.

Tirada guud ee dhalinyarada labka ah ee lagu dilay London waa 1299 qoowmiyadaha oo dhan, Soomaalida waxa ay tiradaasi ka tahay 10%.

 

Dadka qaar ayaaba hadda ka fikiraya sidii ay carruurtooda uga qixin lahaayeen Ingiriiska, islamarkaasna u geyn lahaayeen meel bad qabta.

Naciimo Xareed oo ah agaasimaha ururka haweenka iyo dhallaanka ayaa sheegtay in dhibka ugu badan uu ku dhaco hooyooyinka, islamarkaasna aabayoowga ay yihiin kuwa maqan.

 

Balse Cabdi Muuse oo ah agaasimaha Ururka saaxiibadda Geeska ayaa qaba in hal qof uusan kaligiis wax qaban karin, wuxuuna yiri “Hal qof iyo hal qof oo inaga dhintaa xanuun weyn weeye, 10 boqolkiina waa wax badan, waxana anaga nala gudboon waxa ay yihiin in aan ogaanaa haddii aanan anaga is caawinin, cidna nama caawin karto”.

Taliyaha Booliska Cressida Dick wuxuu sheegay 18-kii bilood ee la soo dhaafay ee 2017-2018-ka in magaalada London lagu dilay 132 qof iyada oo dadkaasi intooda badan lagu dilay mindi.

 

Fal dambiyeedyadaasi si ugu yaraan 2% hoos looga dhigo waxaan u baahannahay ayuu yiri iney boolisku 200 jibbaar ay baaritaannada kadiska ah ee ay sameeynayaan ay kor u qaadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker