Horyaalka Ingiriiska ee Premiere League oo dib Loo Furayo

LIVERPOOL, ENGLAND – FEBRUARY 01: (THE SUN OUT, THE SUN ON SUNDAY OUT) Alisson Becker embracing Mohamed Salah of Liverpool before the Premier League match between Liverpool FC and Southampton FC at Anfield on February 01, 2020 in Liverpool, United Kingdom. (Photo by Andrew Powell/Liverpool FC via Getty Images)

Horyaalka Kubada cagta Ingiriiska ayaa dib Loo bilaabayaa ka dib kulan Kooxaha Premier League-ga ay shalay ku yeesheen internet-ka oo maqal iyo muuqaal ahaa.

 

Waxay kaga wadahadleen qaabka loo soo gabagabeyn lahaa xili ciyaareedka 2019/2020 ee haatan socday.

 

 

Waxyaabaha laga wada hadley  waxaa ka mid ah in kulamada dhiman lagu qabto Garoomo dhexdhexaad ah intii Taageerayaashu Tegi lahaayeen hadba garoon.

 

Qorshaha waxaa ka mid ah in ilaa 10 Garoon lagu qabto Horyaalka marka dib loo bilaabo ayaa lagu yidhi warar ka soo baxay kulankaasi.

 

 

Premier League-ga ayaa sidoo kale u baahan doona illaa iyo 40 kun oo Qalabka baadhitaanada Ah  si Ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxaha loogu sameeyo Baadhitaan haddii ay noqoto si loo dhamaystiro 92 Ciyaarood ee dhiman, kuwaasi oo lagu ciyaari doono Garoomo albaabadu u xidhan yihiin oo aan wax taageerayaal ah soo xaadiri doonin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker