Dowladda Turkiga Oo Ku Gacan-saydhay Mareykanka kadib markii Ay Go’aansadeen Inay ka Iibsadaan Ruushka Hubka Difaaca Gantaalaha

Dowladda Turkiga ayaa maanta diiday cadaadiska Mareykanka ee ku wajahan heshiiska ay ku iibsaneyso habka difaaca gantaalaha Ruushka, waxayna sheegtay in Ankara ay ku guda jirto wada-hadla lagu soo gaarsiinayo habkan oo lagu magacaabo S-400.

 

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka careysiiiyey xulufada Turkiga ee NATO, gaar ahaan Mareykanka, kadib markii uu go’aansaday inuu iibsado habka difaaca gantaalaha Ruushka, islamarkaana uu xiriir dhow la yeesho madaxweyne Vladimir Putin.

 

Sarakaiisha Mareykanka ayaa uga digay Turkiga inuu wajihi karo cunaqabateyn islamarkaana loo diidi doono ka qeyb-galka diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo.

 

“Waxaan heshiis la saxiixanay Ruushka. Heshiiskana waa mid sharci ah. Waxaan hadda ka hadleynaa sidii habkan na lagu soo gaarsiin lahaa” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu oo shir jaraa’id magaalada Antalya kula qabtay dhiggiisa Ruushka.

 

“Ruushka waxaan la galnay heshiis, waana u hogaansamaynaa” ayuu yidhi Cavusoglu oo intaas ku daray in cadaadiska dalalka kale uu kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah.

 

Habka difaaca gantaalada ee S-400 ayaa la filayaa in Turkiga la geeyo bisha July.

 

 

Mevlut Cavusoglu

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker