Daawo: Sh Maxamed Aadan oo Sheegay inuu Quraanka Kariimka ah ka Dhexhelay Xanuunka Coronavirus

Hargeysa (OWN) – Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka mid ah culimada ugu caansan magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu Qur’aanka ka dhex helay xanuunka Coronavirus ee hadda faraha ba’an ku haya caalamka.

 

Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay in xanuunkan uu yahay ama la mid yahay kii Nabi Muuse CS uu ku inkaaray ee kadibna lagu salladay Muuse Saamiri, kadib markii uu lumiyey qowmkiisa.

 

Saamiri waxa uu ka mid aha qoomkii Nabi Muuse CS, waana ninkii ku hogaamiyey reer Bani Isra’iil inay caabudaan Dibiga Ilaahay qayrkii, intii Nebi Muuse CS uu ku maqnaa Buurta Duur, isaga oo lasoo hadlayey Allah SW. Ninkan magaciisa waxa la oran jiray Muuse, waxaanu ka mid ahaa dadkii reer banu Isra’iil ee Eebe kasoo badbaadiyey dulmigii Fircoon.

 

 

Nabi Muuse oo inkaaraya Saamiri, wuxuu ku yidhi “tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad tidhaahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn (maalinta qayaame).” Saamiri waxa lagu ciqaabay in hadii uu qof jirkiisa taabto inuu gubanayo ama maqaarka jirkiisu soo daadanayo, sidaa awgeed haduu arko cid bani aadam ah oo usoo dhowaata waxa uu odhanayey ha itaabanina, sidoo kale Eebe waxa uu u ballan qaaday mowcid aan baajismayn oo ah maalinta qayaame.

Sheekh Maxamed Aadan ayaa hadda sheegay in maadaama cudurka Coronavirus uu dadkii oo dhan ka dhigay kuwa kala cararaya oo leh “ ha I taaban” uu la mid yahay kii lagu salladay Musue Saamiri.

Hoos ka dhageyso Sheekh Maxamed Aadan

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker