Foolxumada caasimada hargeisa iyo isha madaxwaynaha jsll mudane muse biixi cabdi

Golyaasha deegaanka gobolada iyo degmooyinka dalka oo waqtigii la doortay marka lagu daro mudo kordhintii u dambaysay waxa uu waqtigoodii doorasho ee u dambeeyey ku eg yahay 29 march 2019 taas oo shacbiga ku nool jsl ay aad uga hadlayaan talaabada ka dambaysa ee uu qaadi doono madaxwaynaha jsl mudane muuse biixi abdi oo aad madaxa uga lulay waxqabad laa anta ay ku sifoobeen golayaasha deegaanka dalka jsl taas oo ay markhaati u tahay caasimada hargeisa oo ah muraayada laga daawan karo quruxda bilicda iyo nadaafada gobolada iyo degmooyinka dalka jsl

Waxa sidoo kale ah midaan la iloobi karayn waqtigii shacbiga ku nool gobolada dalka jsl ay u taagnaayeen goobaha cod bixinta doorashada sida hooyoyinka isa sita dadka waayeelka ah iyagoo raadinaayey in ay doortaan xubno matala golayaasha deegaanka jsl si wayna wax uga qabta arimaha bulshada bilicda wadooyinka nadaafada etc

Si walba ha ahaate shacbiga ku nool dalka jsl waxa ay ka sugayaan madaxwaynaha dalka mudane muuse biixi abdi madaama uu waqtigoodi doorasho ku eg yahay golayaasha deegaanka dalka 29 march 2019 inuu suo doorto hal moyar iyo moyar ku xigeen gobol kasta madaama aanay suurto gal noqonayn in mudo kordhin loo sameeyo ama labada doorasho ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka la kala qaaday waqtiga ay qabsoomayaan

Ugu dambayn mudane madaxwayne muse bixi abdi taariikhdu ma hilmaami doonto yoolkaaga shaqo waxqabad ee ku wajahan golayasha deegaanka dalka oo si wayn aad uga warhayso markhaatina ay ku tahay foolxumada dul hoganaysa quruxdii caasimada hargeisa wadooyinka burburay musuqmaasaqa dhulka danta guud mushkulada arimaha dhulka mudane madaxwayne muse bixi cabdi shacbigu aad bay u sugayaan waxa ka dambeeya mudo kordhin la aanta golayaasha deegaanka dalka jsl oo waqtigoodi doorasho uu gabagabo yahay kuna eg yahay 21 march 2019

 

W/Q Dr.buux ibraahim aden fariin caafimaad

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker