Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaadhay degmada Aadan Yabaal

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada, madaxweynaha ayaa ‘u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka.’

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada.” ayaa lagu yiri bayaanka madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo safar kaga soo kicitimay maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker