Ilmo 3 Jir Ah Oo Ka Qayb Galaya Shir-madaxeedka Qaramada Midoobay…

Raysul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa khudbaddeedii ugu horreysay ka jeedisay shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee magaalada New York – sidoo kale waxaa ku wehlisa gabadheeda 3 bilood jirka ah, waana markii ugu horreysay ee shirka QM uu cunug yar ka qeyb galo.

Ms Ardern ayaa ciyaarsiineysay gabadheeda yar maalintii isniinta ee shalay, wax yar ka hor inta aysan u soo istaagin khudbadda ay ka jeedisay fadhiga guud ee Qaramada Midoobay.

Ninka iyada lamaaneheeda ah ee lagu magacaabo Clarke Gayford, oo ula socda si uu ula xannaaneeyo Neve, ayaa dhabta ku sii hayay gabadha yar, intii ay hooyadeed khudbadda jeedineysay.

Jacinda Ardern ayaa ah hogaamiyihii labaad ee ay shacabka doorteen, oo umushay iyadoo wali xilka haysa.

Khudbaddeedii ugu horreysay ayay ku daah furtay shir nabadeedka Mandela, halkaasoo ay uga hadashay sida uu hogaamiyihii hore ee Koonfur Africa “saameynta uga lahaa” dalkeeda gudihiisa.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand ayaa hadda naaska nuujineysa gabadheeda saddex bilood jirka ah, waxayna taasi kallifeysaa iney ilmahan yar u soo kaxeyso safar caalami ah oo ay ku maqnaaneyso muddo lix maalmood ah.

Odayga Qaba Ra’iisal Wasaaraddu waa Wariye TV balse waxa uu Imika caawinayaa xaaskiisa

 

“Runtii Neve mar walba way ila joogtaa marka aan ku suganahay New Zealand,” ayay tiri Ms Ardern, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.

Gabadha yar ayaa loo sameeyay kaar la mid ah kuwa ay dadka ku galaan xarunta Qaramada Midoobay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegtay inay iyadu shakhsi ahaan u bixinayso kharashka ku baxaya safarka lamaaneheeda, si uu gabadha ugu xannaaneeyo xilliyada ay mashquulka gasho.

“safarkiisa wuxuu ku saabsan yahay inuu iyada xannaaneeyo oo kaliya” ayay tiri.

Ms Ardern ayaa shaqada xafiiskeeda dib ugu laabatay horraantii bishii Agoosto, ka dib markii ay soo dhameysatay “lixdii isbuuc ee ugu dhasiyaha badneyd nolosheeda” oo ay ku maqneyd fasaxa dhalmada.

“Ra’iisul wasaare Ardern waxay muujineysaa inuusan jirin qof ka fiican hooyo dalkeeda mataleysa” ayuu yiri afhayeenka Qaramada midoobay Stephane Dujarric oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray “kaliya boqolkiiba 5 ka mid ah hogaamiyeyaasha caalamka ayaa haween ah, sidaas awgeed waxaan u baahannahay inaan iyaga ka dhigno kuwo halkaan loogu soo dhaweeyo si macquul ah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker