Yaa Ka dhigey Wariye Qof Aan Dugsi Waxbarasho Galin Akhlaaq iyo Asluubna Laheyn Miyaanu Gabiley Sumcad Dil Ku Aheyn Faallo

Sida la Xaqiijinayo Marna Kama uu Mid aheyn Wariyayaashii Aqoon ahaan Dhisnaa Islamarkaana, mudada ka hawlgali jirey Gobolka Gabiley Mana aha Talaabadan uu Qof Waliba Wariye ku noqonayo isagoo aan akhlaaq agaan iyo Aqoon ahaan midna Dhisnayn mid Ku kooban Gabiley oo kaliya haseyeeshee, Waa mid Somaliland ka SimannTahey taas oo ay u hawl u Fududeeyeen Qolyaha Talafishanada oo Raadsada ama Kamarad u Dhiiba Dhalinyar ay ku Shaqeystaan oo u Diraan Lacag laakiin, aaney habayaraatee marnaba ku quimaynin In uu Buuxin karro Shuruudaha looga baahan yahey Suxufiga Qofka ay u Diranayaan Shaqo Maalmeedka Warbaahineed, Waxaana Shaqadan adag ee Suxufiga Loofa baahan yahey In uu la Yimaaddo Shahaado adag oo ka Turjumaysa Aqoontiisa, akhlaaqdiisa,Hiwaayadiisa,Samirkiisa,Dulqaadkiisa iyo Qaabka uu ula Nool Yahey Bulshada iyo Waliba Xidhiidhka ka Dhexerya isaga iyo Bulshada.

Arimaha ugu Waaweyn ee Sumacad Dilka ku ah Mihnada Saxaafada iyo Qaabka Wakhti Xaadirkan loo Qiimaynayo Qofka Suxufiga Noqon Karra Waxaa iyaguna Qeyb ka ah marka laga taggo Mulkiilayaasha Talafishanada Soomaalidu Samaysatey, Maamulka iyo Masuuliyiinta laf ahaantooda oo Tacadi uga dhigaya Suxufiga Xalaasha ah ee Shaqadiisa ka adag Bulshadana Si Xor ah ugu Shaqeeya.

Tusaale ahaan Waxa ay Arintani Soo baxdey Wakhtigii Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo oo Masuuliyiintii Xilalka.ka qabtey ee aan Ehelkanu aheyn Doorka Siyaasadu Mid Waliba olole Dheer oo Dhaqaale ku Lamaan yahey u galey inuu Waebaahin ka hawlgaliyo Mid lamid ah oo la dhaqan iyo Dabci ah Ninkan Wariyaha Sheegtay ee Reer Gabiley oo Dhami la Yaaban yihiin Islamarkaana, Sumcad Xumada usoo jiidey Gobolkii Gabiley, Suxufiyiintii ka hawl galayay iyo Waliba Bulshadii Gobolkaa kasoo jeeday, Waxaana Talaabooyinka noocan ah Qeyb Weyn ka ah Ururka Saxaafada Somaliland oo iyaguna kasii Fog Mulkiilayaasha Talafishanada oo Mid Walba Siinaya Kaadh uu SOLJA iyo Suxufi ku Sheeganayo Waxaanay cadaadis iyo Fogayn ku hayaan Ururkaasi Dadkii Saxaafada ehelka u ahaa.

Dhacdo yaab leh. Oo maanta ka dhacday magaalada Gabiley Ayaan la yaabay iguna kaliftay inan wax ka idha arinta, inkasta oo ayna videoga baraha Bulshada la soo dhigay ka muuqan waxa dagaalkan sababay hadana waxa muuqata in Ninka Wariyaha sheeganayaa ku jiro Weerar halka Askarigu ku jiro is badbaadin (SELF DEFENCE) si an qoriga looga qadin .

Waxaa nasiib daro weyn ah in Ciidamada Booliska ee habeen iyo maalin ku ilaalinaya ee naftooda ku hurayaa in nooca loola dhaqamayo ee Laguna soo caan baxo?

Sikastaba ha ahaatee Waxaanu Usoo jeedinaynaa Maamulka Gobolka iyo Ka Degmada Gabiley, iyo Shacabka Reer Gabileyba in ay Ilaashadaan Sumacda Gobolkooda oo Talaabo ka qaadaan Ninkan Wariyaha Sheeganaya iyo Kuwa Kamaradda usoo Dhiibayba.

Shiine Cilmi Kaahin  — Ankara Turkey 

sirshiine@yahoo.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker