Hambalyo Dumarka Somaliyeed / Somaliland ………. Riyadii Ka Warama !

A dream you dream alone is only a dream. A dream you dream together is reality. ~ Yoko Ono ~

Salaan sare iyo ubax faro badan . Hambalyo ayaanu leenahay qofkastoo dumar ah oo Somaliyeed gaar ahaan Somaliland oo kuwa Hargeysa laga dul akhriyo khudbado liita oo kontayner ku xidh ah nacayb iyo karaahiyo iyadoo cimri dherar laga dhiganayo si qoyska canshuurta DANYARTA loogu quudiyo lakiin ha ogadaan dumarka Somaliyeed gaar ahaan Somaliland ama gobolada waqooyi ee Somaliya inay halkan kalmadii Marwo Yoko Ono xaaskii Jaalle John  Lenon ay tidhi inay ku rumowday Gobolada Waqooyiga Somaliya :

A dream you dream alone is only a dream. A dream you dream together is reality. ~ Yoko Ono ~

Reer la yidhaah reer Sheekh Isaxaaq ayaa kaligii riyooday ku riyooday ictiraaf inay Qayb Somaliya ah oo Ingiriis gumaysan jiray goboladaa Somaliland la yidhaah la ictiraafo halkasoo ummado balaadhan  la dagaan tahay Isaaqa . Reerka Gabooye la yidhaah isagu riyo nightmare ayuu ku jiraa mudo dheer markaa reer Samaroon siciid la yidhaah ayaa ku yidhaah Reer Sheekh Isaxaaq waa idinla riyoodaa lakiin waa been cida kaliya ee riyoonaysay 30 sanadood waa reer Sheekh Isaxaaq bay ahayd waayo reer sheekh Isaxaaq iskuma dayin inay cid kale la riyooto ninkii kaliya ee aan ahayn reer Sheekh Isaxaaq ee Madaxweyne Noqday Jaalle Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin kursiga waxa lagaga qaaday tolaay yaa reer Sheekh Isaxaqaay markaa daacad Allah siduu kuula Riyoon karaa in Ictiraaf la helo Inanka iyo inanta Samaroon Siciid ……………..

Reerka Harti la yidhaah afar ku dawakhsan Hargeysa oo bariis iyo xabxab isku cunta moyaane  dhamantood Somaliweyn ayey ku riyoonayeen 30 sanadood .

Dumarow Jaalle Maxamed Siyaad ( AHUN ) 30 sano ayuu mootan yahay  reer Sheekh Isaxaaq isagaa riyada ku kaliyeystay keeni waayey xikmad iyo xeelad uu kasbado ummada la degan si wadajir loogu riyoodo oo ictiraafku waaqic u noqodo kadib na riyadii QOYSLAND u badalay  iminkana sheekadii RIYADU REER “ GULEED QADIYE  “ AYEY MARAYSAA  AMA JAALLE MICHAEL RUBIN U YEEDH AMA MARWO AYAAN XIRSI CALI OOY ISKU XAFIIS KA SHAQEYAAN  U YEEDH RIYADII HORROR BAY NOQOTO IYO NIGHTMARE ……

MUWAADIN RIYADA AAD KALIGAA RIYOOTAA WAA RIYO UUN , RIYADA AAD WADAJIR KU RIYOOTAANA’A WAXAY NOQOTAA WAAQIC LA TAABAN KARO IYO WAX HIRGALA ……….HEEGADA HARGEYSA AYAA RIYADII GOOLI BAADHAY .

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker