Yaa Soo Nooleeyay Beesha Direed Haday Jirtiyo Hadaanay Jirinba?

 Inkasta oo aan aaminsanahay in ay Somalidu ka horasay Qabiilka, taas oo ah in ay Somali jirtay intaanu qabiilku ama beelaysigu iman cadayna uu yahay Af Somaliga  hodanka ah  ee ay Somalidu leedahay. Afkaas ama luqadaas oo ku timid ama hirgashay mudo ku dhow boqolaal  kun oo sano kana da’way abtirsiinta Somalida. Hadaad abtirsato laga yaabe in aad ku dhawaad 15-20 awow aad tirsatid isku celcelis 25 tan awow, kaba soo qaad in uu awowgii qudhaba jiray 55 sanadood , markaa 25 awow ama aabo waxa ay noqonaysaa in ay Somalidu jirtay 55sanadoox25awow taas oo la mida in ay Somalidu jirtay 1375 sanadood, waa haddii aan leenahay Somali may jirin abtirsiinta ka hor.
   Marka aad egto Somalida abtirsiinteedu badenkeedu  waxa ay gashaa ama ku dhamaataa  oday Carbeed. Beelaha ugu tunka wayn ama layidhaa way ugu badan yihiin ayay abtirsiintoodu ku dhamaataa oday carbeed. Arintani waxa ay cadaynaysaa in Somalidu ka da’ wayntahay qabaailka ama beelaha. Maxaa yeelay  mar hadii beelaha ugu tunka wayni ay galaan carab Af carabi ayaan ku hadli lahayn. Markaa mar hadii aanu ahayn afkeena 1aad carabi waxa ay ka dhigan tahay in ay odayaashii carbeed inookeeneen diinta islaamka markaana aynu noqonay xertii sheekh hebel, xerwalbana ay bilawday in ay ku abtirsato odaygii carbeed  ha dhalo odaygu ama yaanu dhaline.
   Haddaan u soo noqono soo noolaynta beesha Direed , waxa ay soo shaac baxday May 2, 2001 markii Dawladii Somalia lagu soo dhisay Carta Djibouti ee uu madax waynaha ka Cabdi  Qaasin Rw u ahaa Khaliif Galaydh. Taas oo awood qaybsigii lagu saleeyay 4.5 , Dir, Daarood, Hawiye, Digil iyo Mirifle , iyo beelihii la yidhi waa badh.
   Arinta u wayn ama loo soo celiyay beesha Direed ama 4.5 ayaa y ahayd siyaasad lala  maaganaa Somaliland. Waxa  ay Siyaasiinta Somalia doonayeen ama u soo nooleeyeen Dir, 4.5, marin habaabin lagu sameeyo qadiyadda Somaliland iyo halgankii SNM.
  Madaama  awood qaybsigii noqday 4.5 waxogaa ayay u hirgashay Somalia oo dhawr qof oo ka soo jeeda Somaliland ayay kolba xil u magacaabaan. Iyada oo la og yahay in ay Somaliland ku dhawaaqday May 18, 1991 in ay ka noqtay midawgii  la lahayd Somalia, lana soo noqotay madax banaanideedii.
    Arinkan 4.5 waxa kale u horseeday siyaasiinta Somalia in ay Somaliland ula dhaqmaan gobolo ka mida Somalia, waxad arkaysaa marka madaaxda Somalia ka hadlayaan Somaliland waxa ay ugu yeedhaan Gobolada Woqooyi, waxa ay meesha ka saaraan  wadankii idlaa ee Somaliland ee la midoobay, kana midka ahayn gobol Somalia ka mida.
      4.5 ama Dir waxa kale oo uu Somalia u hirgaliyay in marka ay u  magacaabayaan xil qof ka soo jeeda Somaliland  in xilkaas lagu saleeyo ama loo ego qof ka soo jeeda gobol ka mida Somalia, sida Hiiraan ama Hirshabeele isla markaana magaabistiisu ku salaysan tahay hab beeleed ama 4.5.
Maxaa yeelay waxa meesha ka baxay Somaliland iyo awood qaybsigii labadii wadan ee midoobay, Somaliland iyo Somalia. Inkasta oo markii horeba ee midawgii 1960 horay loo khiyaamay Somaliland oon xilalkii dawladii la dhisay lagu salayn awood qaybsi. Taas oo ay Somalia Qaadatay MW AHUN Aden Cade iyo RW CC/Sharmaarke.
       Dhawr cisho ka hor waxa ay  beesha Direed qabsatay shirbeeleed ka qabsoomay Addis Ababa, shirkaas oo la mid ahaa shirarka ay beelaha Somaliyeed qabsadaan ha ahaato Somalia, Ethiopia, Kenya ama Djibouti.
      Dhawaan beesha daarood ee guud ahaan ku nool geeska waxa ay shir beeleed ku qabsatay Puntland Qardho, waxa dhibaato ah  iyo cid ka cabanaysa lama arag.
     Shirkii ay beesha Direed ku qabsatay Adis Ababa aad ayaa loo dhibsaday ha ahaato Somalia ama Gobolka Somalida Ethiopia. Maamulka Jigjiga aad ayuu iskugu dayay in uu hakiyo shirkaas, dacaayad  la faa fiyay awgeed oo la lee yahay Dir waxa uu u tashanayaa Ogaadeen oo Dr Ahmed Shide ayaa ka dambeeya. Waxa uu doonayaa in uu isku xidho Dirka Somaliland iyo Ethiopia, taas oo sabab looga dhigay tagitaankii MW Muse Biixi ee Ethiopa ee uu la shiray Dr Shide iyo Dr Abiy.
      Hadaan eegno beesha Direed marka la garab dhigo beelaha iyo Somaliayada dhibsananysa waxa la odhan karaa waa laga gar daran yahay DIR ha ahaato Somlia ama Gobolka Somalida Ethiopia-ba.
     Somalia waxa ay Dir ku baa bi’say magacii iyo qadiyaddii Somaliland waxa kale oo ay meesha ka saartay taariikhdii Somaliland, halgankii SNM iyo awood qaybsigii ay u sinaayeen Somaliland iyo Somalia iyaka oo laba dal ah.
   Dhanka Gobolka Somalida Ethiopia hadaan eegno waxa ku nool 37 beelood oo Somaliya sida uu sheegay MW Mustafe. Marka aad beesha Direed eegto  waxa ay lee yihiin dagaan aad u balaadhan haday wada socdaan ama hishyihiin laftoodu, taas keenaysa in  ay yeeshaan tixgalin hadii awood la qaysanayo iyo haddii gobolo la magacaabayoba.Ha ahaatee waxa aad moodaa Gobolka Somalida ama maamulka Somalida Ethiopia in uu ku mashquulay ONLF, oo ah urur siyaasi beeleed matalina beelaha aan ku haybta ahayn ururkaas. Waxad aad  arkaysaa madaaxda ONLF ee heshiiska la gashay  MW Mustafe oo ugu yeedhaya Gobolka Somalida Ethiopia,  Ogaadeniya, taas oo keenaysa iyadun in beelihii kale ay is urur sadaan ha ahaato Dir, Jidwaaq ama Akisheba si ayu muujiyaan jirtaankooda ama xuquuqdooda.
  Ugu dabayntii waxa aad moodaa in soo noolaynta beesha Direed xumaan iyo samaanba ay noqotay midi laba afle ah, waxase loo baahan yahay in si cadaalad ah wax walba loo eego.
    Mohamud Aden Samata

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker