Libaax Dhibaato Gaadhsiisay Dad Ay Weerar Ku Qaaday Jabuuti

Wararka ka imanaya degmada lagu magacaabo Duuda ee wax yar 20km u jirta caasimada Jabuuti ayaa sheegaya in Libaax Dhedig ah uu dad ku weeraray.

 

Wararku waxaa ay sheegayaan in gooshan dhibaatada geystay ay labo cisho ka hor ka baxsatay goob lagu xannaaneyo duur-joogta dalka Jabuuti

 

Dhaawac halis ah ayay soo gaadhsiisay gooshan saddex ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka Duuda sida uu sheegay xildhibaan laga soo doorto deegaankaas oo intaa ku daray in ay u gurmadeen dadka ay waxyeelladu soo gaadhay.

 

Dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujiynaya dhibaatada ay gaystaaan xayaawannada duur joogta ee ka baxsado seerayaasha lagu hayo.

 

Hasse ahaatee saraakiisha ka shaqeysa arrimaah duurjoogta ayaa hadda amar ku bixinaya in la dilo gooshan oo laga yaabo in ay dhibaato kale geysato, maaddaama oo aan weli Gacanta lagu haynin.

 

 

Inta badan marka la eego xayaawanka wax dila ee lagu dhax xannaaneeyo gudaha magaalooyinka ayaa dhibaato xoog leh geysta dadka marka ay ka fakadaan ama ka baxsadaan xerayaha lagu hayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker