Shirkadda Facebook oo maxkamad la tiigsaneysa Midowga Yurub

Shirkadda Facebook ayaa falcelin ka sameysay baadhitaan uu midowga Yurub ku hayo sida ay u shaqeyso, waxayna u tallaabsatay inay maxkamad la tiigsato.

Mas’uuliyiinta Facebook ayaa dacwaddooda maxkamadda ku saleeyay walaac ay ka qabaan in loo dhaco xogtooda gaarka ah.

Labo baadhitaan oo kala duwan ayaa lagu sameeyay Facebook si loo ogaado inay ku xad-gudubtay shuruucda u yaalla tartanka ganacsiga.

Si xog buuxda loo helo, golaha Midowga Yurub ayaa dalbaday macluumaadka hoose ee Facebook, oo ay ku jiraan 2,500 oo erayo gaar ah.

Facebook ayaa dhankeeda sheegeysa in arrintaasi ay ka dhigan tahay bixinta xog aad xasaasi u ah oo aan la xiriirin arrimaha la baarayo.

Hase yeeshee Golaha reer Yurub ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan kiiska maxkamadeed ee lagu soo oogay, baaritaanka ay ku hayaan Facebook-na uu wali sii socon doono.

Shirkaddan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee bixiya adeegyada baraha bulshada ayaa dacwadda geysay maxkamadaha Yurub, waxayna ku doodeysaa in laga qaato xogta u qarsoon.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker