Madaxda Maamul Goboledyada oo Maanta Shir Xasaasi ah Uga Furmayo Magaalada Kismaayo.

Kismaayo-(OWN)-Maanta oo Salaasa  ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose uu ka furmo shirka madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Isniintii shalay ayeey ahayd in shirkan uu furmo balse cillado farsamo awgeed ayaa la xaqiijiyey in shirkan u baaqday iyo madaxda qaarkood oo shalay tagay Magaalada Kismaayo.

Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana shirkan looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka.

Ammaanka guud ee Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo shalayna madaxda dowlad goboleedyada uu la kulmay Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Shirkaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, iyadoo xidhiidhka u dhaxeeya Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamul Goboledyada uu yahay mid aad u liita.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker