Dhallinyaradda Cusub ee Booliska laga dhigay iyo Baaqyadda Maamulka Booliska aan u dirayo. By:- Rakad Mxd Sultan
Dhallinyaro badan oo Boolis ah ayaa lagu soo daayay Farasmagaalaha Hargeysa si ay u adkeeyaan Abniga una fuddaydiyaan jidadka xidhan, runtii waa tallaabo wanaagsan oo dhanka abniga ah, se dhallintaasi waxaad ka dareemaysaa in aannay qaarkood aqoon fiican u lahayn ilaalinta iyo ixtiraamka Bulshadda ay ilaalinayaan, waxa aad ku arkaysaa Dagaal iyo innay ciddii amarkooda qaadan wayda ay sida ay doonaan ka yeellaan ama ay xidhaan ama ay dhirbaaxaan.
Haddaba qodobadan ayaan soo jeedinayaa:-
1. In subaxkasta wacyi galin la siiyo intaanay shaqadda bilaabin oo lagu tababaro Shaqo wanaag iyo xaqdhawr bulsho, sidoo kale in aannay gacanta iyo dagaalku ka soo horrayn Bulshaddana Ixtiraamaan oo si akhlaaq leh ula dhaqmaan.
2. In aanay Goob kaliya ku eekaan se maalinba meel la geeyo oo loo bed- beddelo.
3. In Booliska ama ninka dirayska xidhan ee sammeeya falal anshax xumo ah ama bulshadda dhib ku ah la xidho oo la anshax mariyo kuwa kalena loogu digo.
4. In Bulshadduna aqbasho Codsiyadda Booliska ee shaqadda maalin laha ah.
5. Is fahan iyo wadda shaqayn buuxda.
Ka dib waxa la gaadhayaa halka loo socdo oo lagu faraxsan yahay.
Rakad Mxd Sultan
Farxaanmxd@gmail.com
Hargeysa