Gabar da’yar 15 jir Ah Oo U Soontay Siduu Dalkeeda Liibiya Uu dalkeeda Nabad U Noqdo

Gabar da’yar oo u dhalatay dalka Liibiya ayaa waxa ay bilowday olole ay ku rajo weyn tahay in nabad lagu gaarsiiyo guud ahaan dalka.

 

Sajeeda Shariif oo 15 sano jir ah, ayaa waxa ay bilowday inay todobaadkiiba mar soonto waxa ayna rajaynaysaa in ficilka ay sameynayso uu farriin u diri doono kuwa awoodda haya.

Dadaalkeeda ah inay todobaadkiiba mar u soonto in dalkeeda uu helo nabad ayaa soo jiitay indhaha caalamka.

 

”Waxaan go’ansaday inaan soomo maalin walbo oo khamiis ah si aan nabad u helno, waxaana dadka ka codsadaa inay igu soo biiraan. Todobaadkii ugu horeeyay kaligey ayaa soomay balse markii aan dadka ka codsaday inay Ila soomaan, waan badanay. Hadda khamistan waxaan u maleynayaa inay ila soomeen ilaa 20 qof” ayey tidhi Sajeeda Shariif .

 

Waxaa dalka Libya gaar ahaan caasimada Tripoli ka socday dagaallo ba’an ka dib markii uu Jenraal Khaliifa Xaftar ku amray xoogaggiisa in ay qabsadaan caasimada. Sajeeda Shariif ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay in ay maqleysay dhawaqa qaraxyada waxayna dalbatay in la joojiyo dagaalka.

 

”Dad badan oo dhalinaro ah iyo weliba dad waaweyn ayaa I taageeray, taasi ayaana rajo i gelisay. Waxayna ii muujisay inaan dhamaanteen u baahanahay nabad. Waxaan rabnaa inaan dadka tusino, gaar ahaan hogaamiye kooxeedyada iyo dadka awooda dalka haayo inaan aqbaleynin xaaladan.”

 

Sajeeda Shariif ayaa aad uga xun inaysan helin waqti ay ku qaadato caruurnimadeeda sida ciyaalka aasaageeda ah ee ku nool wadamada nabadu ka jirto.

”Hadii nooloshu ay caadi ahaan lahayd, nabadna ay jiri lahayd, waxaan samayn lahaa waxyaabo badan oo caruurta ila midka ah ay sameeyaan, sida in ay jaamacad isku diyaariyaan, iyo in ay xirfadooda sare u qaadaan.”

 

Libya ayaa la tacaaleysay xasilooni la’an siyaasadeed tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii muddada badan xukumaayay dalkaasi ee Mucamar al-Qadaafi sanadkii 2011-kii. Saameyntii ka dhalatay dagaaladaasi ayaa waxay niyad jab ku riday caruur badan oo ay ka mid tahay Sajiida Sharif.

 

”Wax badan ayey dadka igu yiraahdeen soo weynow una dhaqan sida qof weyn balse waxa ay dadka waaweyn dalka Libya ku sameeyeen iyo dagaalkii ay na galiyeen taaso sababtay inay dad badan oo waxbo galabsan ay dhintaan, fariinta aan dadka waaweyn ee awooda dalka Libya haayo u diraayo ayaa ah soo weynaada sida da’a yarta u dhaqma, arimihiinana u xaliya si nabad ah” .

 

Beesha caalamku way cambaareysay isku dayga uu ku doonayo Jeneraal Xaftar inuu kula wareego caasimada Libya.

Rabshadaha dhawaan ka bilowday Libya ee halista ku ah dadaalada diblomaasiyadeed ee xalka siyaasadeed loogu raadinayo kala qeybsanaanta Libya, ayaa ka yaabiyay dhexdhexaadiyayaasha beesha caalamka.

Source: BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker