MUUSE BIIXI MA HOOS BUU INOO DHIGAYAA

Shaki kuma jiro in Muuse Biixi yahay nin adag oo u qalma inuu hoggaamiyo dal xilli adag oo kala guura maraya.  Waxase muuqata in aragtidiisu (vision) hoosayso oo uu si dhow wax u eegayo.  Waana wax dhici kara in qof adayg u dhashay uu haddana aragti dhow yeesho. Intii Muse xilka dalka qabtay waxaad mooddaa in arrinteenu ku meeraysanayso Jabuuti, waana aragti gaabni in dhaxal siin karta ayaan darro weyn haddan imminka wax laga qaban.

 

Lixdankii markii Somaliya iyo Somaliland isku bireen waxa wasiirka arrimaha dibedd noqday nin reer Gabiey ah oo Axmed Yusuf la odhan jiray.  Xilligaas oo ahaa markii dagaalkii qaboobaa micayaha lisanyaay, ninkaasi halkii laga filaayey inuu siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliya dunida ku soo xidho, wuxuu ka dhamaan waayay Jabuuti oo safar kasta oo uu dibedda ugu baxo ku tegi jirey, iyadoo weliba Jabouti markaas ahayd maxmiyad Faransiis.  In badan ayaa laga dooday wuxuu ninkiaasi ka doono Jabouti ee dunidii kale ka soo xidhxidhay, ilaa ay gaadhay in looga shakiyo inuu Faransiiska u shaqeeyo, aakhirkiina si deg deg ah ayaa xilkii looga qaaday, iyadoo lagu sababeeyey inuu dalkii hoos  u dhigay.  Fiqi tolkii kama janno tago ee waxa muuqata in Muusena wadadii hayo. Toodobaadkii hore ayay ahayd markii Wasiirkiisa qorhsyenta sheegay in Jabuuti inoo soo dirayso koox inaga caawiya qorsheynta.  Xagee buu maray nidaamkii qorsheynta ee uu dhisay Dr. Sacda Cali Shire ee Qabyo-Tirena sii xoojiyey. Runtii uma baahnin in Jabuuti inaga caawiso dejinta qorshaha shan sannad laha, khubarao badan oo hawshan qaban kara ayaa dalka jooga  ah ee muxuu Muuse waxan uga jeedaa.

 

Hadda waxa soo kordhay cadow cususb oo Solailand yeelatay oo ah ninka madaxweynaha ka ah kilika dhanaad ee Ethoipia. Ninkaasi oo qof kasta oo yaqaanaa sheegayo inuu cuqdad xun oo ku fogaatay ka qaaday Somaliland. Arrintaasi waxay u baahan tahay in laga taxadiro.  Hore ayay Somalida meel ay joogtaba u soo mareen hoggaamiyaal cuqdadaysan, mid walibana halka uu ku dambeeyey waa la yaqaanaa, kanna wadadaas uun buu marayaa aakhirka.  Laakiin waxa fiican in laga hor tgao inta aanu dhibaato keenin.   Iyadoo hore loola socday inuu habeen iyo maalin fadhiyo HiiraanOnline isagoo Somaliland aflagaadeynaya colaadna u abuuraya, wuxuu hadda oo uu ixl qabtay ku darsady inuu isku hawlo sidii uu isugu dhufan lahaa dlawladda Federaalka Ethiopia iyo Somaliland.

 

May fogeyn markuu ku tiraabay in qaraxyo laga soo abaabulayo dhinaca Somaliland.  Waxa ku xigtay iasgoo dad ganacsato ah ku eedeeyey inay lacag adag u wadeen dhinac Wajaale, taasoo xataa gaadhay dawladda federaalka. Hadda wuxuu marayaa inuu wasiirro ka tirsan dawladda federaalka soo kaxeeyo oo gudaha u soo galo Wajaale si uu tuso inaan nidaam ka jirin.

 

Madaxweye Muuse, maanta dalka adigaa  madaxweyne ka ah waxa lagaaga fadhiyaa  inaad indhahaaga furto oo d dhinac walba, maaha oo keli ah inaad ban geriyaad ku meeraystao.   Xashiishkan aad madaxtooyada ku urursatayna, haddii anad wada bedeli karin,  dad kale iskaga badhax .

 

Abokor Barud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker