Ururuka Alshabaab Oo Oday Konton Jir ah ku Toogatay Meel Fagaara Ah

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaan hoostaga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen nin oday ah oo ay gacanta ku hayeen.

Abuukar Xaaji Cumar ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu ku shaqeysan jiray sixirka,waxaana fagaaraha lagu toogtay oo ku sugnaa boqolaal kamid ah dadka deegaanka, oo la soo ururiyey.

Abuukar Xaaji Cumar oo da’ahaan lagu sheegay 50 jir ayaa caanka ahaa deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana Al-Shabaab ay sheegeen in muddo shan sanno ah uu sixirka ku Shaqeysanayay.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay goob fagaarayaal ah ku toogteen dad farabadan oo qaarkood ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo dowladaha taageera Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker