Midowga Yurub Oo Gaashaanka ku Dhuftay Codsi Uga Yimid Dalka Britian
Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa meesha ka saaray iskudayga ay Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ay ku doonayso inay mar kale dib ugala xaajooto ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub bisha March 2019.
Baarlamaanka Britain ayaa shalay ansixiyay cod ay Theresa May Midowga Yurub uga codsanayso inay dib uga wada shaqeeyaan heshiiska Brexit gaar ahaan xuduuda Ireland.
Laakin afhayeen u hadlay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa gaashaanka ku dhuftay iskuday walba oo dib loogu furayo wada-hadaladi dhamaaday ee Midowga Yurub iyo Britain.
Iyadoo aanan xal laga gaadhin heshiis ay labada dhinac ka gaaran qaabka ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub, Britain waxaa kusii dheeran doono dariiqa ay u mareyso ka bixista Midowga.