Prof: Maxamuud (Xamdi) Micno La’aan Ama Shirqool Weyn ayuu ku Xidhan Yahay, Haddii Aan Wasiir Khaliil Been Sheegay

Asalaamu Calaykum Wa Raxmatu Laahi Wa Barakaatu
Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) oo ah bare sare oo ka dhiga jaamacadaha dalka Somaliland muddo dheer, sidoo kale ah muwaadin dalkiisa jecel oo wax badan u qabtay. Waxa la xidhay 21/03/2019  ka dib markii uu qormo (post) ku soo qoray facebook-giisa uu kaga waramaayay adeegsiga caqliga iyo aqoonta iyo ka fogaanshaha khuraafaadka.
Prof: Maxamuud (Xamdi) qoraalkaasi wuxuu u adeegsaday erayo ay dad badan dhibsadeen oo ay u arkeen gaalnimo iyo Aflagaado Ilaahay SWT, in kastoo Prof: Maxamuud (Xamdi) aanuu aflagaadada Ilaahay SWT u jeedin,  Haddana raaligalin ayuu ka bixiyay qormadaasi wuuna ka baabiiyay facebook-giisa ka dib markii ay bulsho badan sidaasi ka codsatay ka hor inta aan la xidhin.
Iyadoo sidaasi oo dhami jirto, haddana Prof:Maxamuud (Xamdi) si sharci darro ah ayaa loo xidhay (Waaran La’aan), waxaana lagu xukumay laba Sanno iyo Lix bilood, waana laga reebay Cafiskii Madaxweyne ee bisha May 2019.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Khaliil C. Laahi Axmed ayaa Prof: Maxamuud (Xamdi) u soo jeediyay inuu toobad ku socota wasaaradda uu sameeyo, Prof: Maxamuud Xamdi-na wuu aqbalay si uu xorriyaddiisii u helo, ka dib wasiirku wuxuu qoray warqaddan aan ku soo lifaaqay qormadaydan, isagoo ku caddeeyay in Prof: Maxamuud(Xamdi) u toobad keenay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradduna ay toobadda ka aqbashay.
Iyadoo arrinku sidaasi yahay, haddana ilaa 9 bilood ayuu weli xidhan yahay Prof: Maxamuud (Xamdi).
Ka dib markii Maxkamada Racfaanka Gobolka M/Jeex  mar 2aad ku xukuntay Prof: Maxamuud (Xamdi) 2 sanno iyo badh, ayaanu weydiinay Wasiir Khaliil sababta keentay in mar 2aad la xukumo, wuxuuna noogu jawaabay in Prof: Maxamuud (Xamdi) aanuu u xidhnayn wasaaradda iyo arrin diimeed midna, balse uu u xidhan yahay Madaxweynaha Somaliland.
Annagu haddaanu nahay ehelada Prof: Maxamuud (Xamdi), waxaanu u aragnaa xadhigiisa mid lagu cabudhinaayo aragtiyihiisa siyaasadeed ee bulshada dan u ah, iyadoo bulshadana lagu diray loona sawiray xadhigiisa mid diinta loogu hiilinaayo.
Sidaa daraadeed cid kasta oo ka qayb qaadan karta sii daynta Prof: Maxamuud (Xamdi) waxaana ka codsanaynaa inay kaalinteedu qaadato, sababtoo ah bulshadu doon qudha ayey saaran tahay, oo xorriyadda iyo cabudhintu labaduba waa kuwo aan loo kala hadhayn.
**********************
Deeqa Maxamed Good
Facebook: Deeqa M Good (Hooyo soomaaliyeed)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker