Maamul Goboleedyada Somalia oo Bilaabay inay Xidhiidhka U jaraan Dawladda Federaalka ah iyo Puntland oo Bilawday
Garowe (OWN) – Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay guud ahaan joojisay wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac.
Qoraal af-English ku qoran oo Puntland u dirtay beesha caalamka iyo dalalka daneeya Soomaaliya, ayay ku sheegtay in ay joojisay dhamman arrimihii ay ka wada-shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya sida; dib u-eegista dastuurka, qorshaha amniga qaranka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqoonsan doonin, dhammaan shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya sida; sharciga doorashooyinka, sharciga shidaalka iyo xeerka canshuuraha dalka oo ay sheegtay in aan lagala tashan.
Qoraalka ay Puntland soo saartay oo dheer ayaa looga sheekeeyay shirkii fashilmay ee Garoowe, waxaana Puntand ugu baaqday dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka in shirar kale lagu kulmo, si heshiis looga gaaro qodobada salka u ah khilaafka labada dhinac.