Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo tacsi u diray qoyska iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cismaan Abshir Cabdulle.
Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaardda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar wuxu tacsi u diraya qoyska, ehelka, asxaabta, aalliyadda Somaliland ee Sweden iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cismaan Abshir Cabdulle oo ku geeriyooday dalka Djibouti 15kii bishan January 2019.
”Waxa aan tacsi u dirayaa dhammaan xubnaha qoyska uu ka baxay marxuumku, ehelka iyo asxaabtiisii, iyo dhammaan umadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cismaan Abshir Cabdulle,waxanan Ilaahay uga baryayaa qoyskii iyo dhammaan shacabka uu ka baxay inuu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo, Marxuumkaana jannadii fardawsa ka waraabiyo iyo naxariista Alle.”