Fariintaydaa Waxay Daaran Tahay Carruurtaa Darbijiifka ah (Hadhibin Qof Dhiban) ……W/Q, Geele Osman Takar.
Caruurta darbi jiifka ahi waxay ka mid yihiin qaybaha ugu nugul carruuraha aan fursada u helin daryeel waalidnimo iyo daryeelada kale toona waa in mudnaanta koobaad la siiya.
Waxaan bulshada u soo jeedinayaa in takoorka laga ilaaliyo caruurta dhibanaha ah oo fikirkan aanu ka aamin sanahay iska badalno ,caawimo badan oo xakii dowlada iyo dhinacii bulshada isku darno .
cid gaadha la hadli maayo ee waxaan la hadlayaa bulshadoo dhan hadii gudo tahay iyo hadii dibad tahayba waxaanu aamin sanahay oo dadku had iyo jeer maah maahyo ka dhigteen darbi jiifku lama dabar jari karo ee waa la yareen karaa .
inta la badalo ayaa uu reerna yeeshaa ,shaqo tagaana oo uu ka sharaf iyo cisi badan yahay dadkan kale ee maah maahyaha sameesanaya ee doonaya inay bulshadu ka sii fogaadaan .
waayo hanuunku ilaahay baa keena ,waayo qof qof u hayaa hanuun ma jiro laakiin af xumo qof kastaa way ka fogaynaysaa bulshada.
Waxay xaq u leeyihiin inay u noolaadaan sida bin aadamka kale , dadka magaalada jooga inay fahmaan dadkan inay yihiin carruurtoodii oo kale .
Bulshada ayey ku xidhantahay daryeelka koowaad ee carruurtaa darbi jiifka oo ay ka dayso tacadiga ,fogaanta ,dhibaatada , culayska iyo bin aadinimo darada ay ku hayaan carruurta.
Waxan talo aan u fidinayaa bulshada Somaliland ee ay ku dhex noolyihiin carruurta aan daryeelkii waalidnimo helin.
Waxaan kula talin lahaa carruurtan darbi jiifka waa carruur lamida carruurteena oo kale,waxaynu ognahay in maanta ilmaha yar hadiii ay xumad yari ku dhacdo waalidka sida uu u daryeelo ee uu ula cararo,koobaha caafimaadka ee uu hore ugu tago,xanaanyntiisa gaarka ah uga war hayo waa daryeel, kaasoo kale mid lamida ayuu u baahan yahay ama kaba sii wanaagsan ayuu u baahan yahay ,waxa uu u baahan yahay qofkani in la soo dhaweeyo ,fikradiisa ha khaldanaado ,dabeecadiisa ha adkaato laakiin hadii aad inyaroo naxariisa aad u muujiso waa qayb kamida qofka dawayntiisa ugu yaraan wuu nafisayaa (Relief ) marka qofkoo maskaxiyan israsaysto kuu waramo oo uu kuu sheegto dhibkii ,fikradiisu ha khaldanaato laakiin wuxuu arkayaa inaad u soo jeedo oo aad danaynayso taasi haday meesha timaado qofka wuu nafisayaa .
Waxaan bulshada kula talin lahaa qofka yaanay takoorin ,hala sheekaystaan ,hasoo dhaweeyaan ,daryeel fiican ha siiyaan qofkani wuu fekerayaa mashquul buu ku jiraa naftiisii buu ilaabayaa wuu dayac mayaa cunto fiican ma helayaan ,hu’ fiican ma xidhanayo dhibkan haysta inaan dhib kale loogu darin ayaan codsan lahaa ugu yaraan lasameeyo in qofkii la caawiyo,la daryeelo ,cunto siintii iyo xanaanayntii mid laba jibaar ah la siiyo .
Ilmahan fikradiisa iyo qaabka uu u fikirayo ayaa ay wax ka qaldan yihiin . marka hadii taa laga hortago oo lasiiyo daryeel gaara ,xanaanayn gaara iyo fahan gaara hadii aanu intaa u qabano ilmihii rajo ayuu leeyahay.
Laakiin hadii aynu faquuqno (Isolate) oo aynu eryano iska ilaalino dhibka wuu ku sii badanayaa heer wuxuu gaadhayaa isaga uu isdilo ,dhexdooda ay isdilaan ama qofkale uu dilo waayo naftaa diiqad dareemaysa oo cidhiidhi badan ayuu dareemayaa .
Marka waxaan bulshada kula dardaarmi lahaa waan arkay mararka qaar afraad u taga meelaha ay kaga sugan yihiin suuqa baaq dheer jeediya uun sidaana ku ilaaba taasina ma qurux badna ,waxaa qurux badan qofka in la daba socdo la daba joogo oo aan laga hadhin .
Waxa kaloo oo aan arkaa dhib wayn ,wayn oo aad muhiim u ah ilmahan yar maaha inaad ku tidhaahdo waa kii darbi jiifka ahaa waxay ku keentaa in qofkii ku sii jiro .
Carruurtan darbi jiifka ah Waxay kuu sheegayaan in dadkiiba khaati ay ka taagan yihiin oo markaan doono inaan qof la hadlo wuu iga shakinayaa stress badan ayaan kala kulmayaa anigoo caadiya ,dareenkaygu caadi yahay ,dhibaata aan gaysanayn shaqaysan kara hadana bulshadii kala kulmayaa waxyaala aan soo dhawayn ahayn.
Hadaba aynu dhamaanteen u gurmarno carruurta darbi jiifka ah oo aynu hirgalino odhaahda ah ha dhibin qof dhiban waayo isagii culayska saarnaa culays kale ha ugu darin .
Marka dhamaanteen waa inaynu u wada kacnaa soo dhawaynaa ,walaalnimo, waalidnimo iyo bin aadanimo tusnaa carruurtaa aan daryeelka helin.
Tusaale : wadamada horu maray xukuumadahooda ka dhisan waajibka koowaad ee dastuuriga ah waa daryeelka carruurta waa dadka aan caqligooda isku maamuli Karin si toosa ayey xukuumadahoodu u kafaala qaadaa waxay u baahan yihiina iyagaa qabta .
Inagana tiradaba kuma darsano , waxaana ilaahay wuu isku eegayaa ilaahay waxba umuu waayin laakiin cida uu ku imtixaamayaa waa kan carruurtiisa haysta ee ay wax ubaranayaan kaasaa ku imtixaaman ,waxba kuma aha in berito in kaasi uu hagaago mid dafdaf lahaa oo daryeelkiisii dhamaystirnaa soo galo badalkiisa .