Xuuthiyiinta Oo Weerar Drone Ku Dhaawacay Taliyaha Militariga Yemen
Xuuthiyiinta ayaa weerar Drone ah ku dhaawacay Taliyaha Militariga Yemen, Weerarkan ayaa khamiistii ka dhacay Saldhiga Militariga ee Al Anad oo ku yaal gobalka Lahji ee koonfurta Yemen, xili ay halkaasi ka dhaceysay Xaflad ay saraakiil badan ku sugnaayeen.
Kooxda Xuuthiyiinta ayaa diyaarad yar oo ah nooca Drone loo yaqaan ama aan duuliyaha lahayn oo ay saareen waxyaabaha qarxa ku dul qarxiyey meel wax yar u jirta goobtii ay fadhiyeen Saraakiisha Militariga Dowlada Yemen ee saldhigaasi ku sugnaa.

Waxaa jira warar sheegaya in ay ku dhinteen weerarkan 5 askari, isla markaana ku dhaawacmeen 20 sarkaal oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada Militariga Yemen Abdullah Al-Nakhee. Madaxda weerarkan ku dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Madaxa Sirdoonka Militariga Mohammad Saleh Tamah iyo Guddoomiyaha gobalka Lahji Ahmed al-Turki.
Muuqaal kooban oo lagu faafiyey Twitterka ayaa muujinayey qaabka uu weerarka u dhacay iyo diyaarada loo adeegsaday qaraxan.