Dhisme ku dumay Muqdisho oo dad ku dhinteen

Dhisme dhowr dabaq ka koobnaa ayaa xalay ku dumay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho. Ilaa laba qof ayaa ku dhintay sida wararku ay sheegayaan.

Warbaahinta gudaha ayaa qaarkood ku warramay in dadka ku dhintay dhismaha dumay ay gaarayaan ilaa saddex qof isla markaana ay yihiin carruur iyo hooyadood.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo tagay goobta uu ku dumay dhismuhu ayaa u sheegay laamaha amniga in ay baaritaan ku sameyaan dhacdadaan iyo waxa sababay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker