Federal ku sheegga Soomaaliyo iyo Amisom oo dagaal ku soo Qaaday JSL

Federal ku sheegga Soomaaliya iyo Amisom
Dawlad ku sheegga Soomaaliya iyo ciidamada Amisom ee ilaaliya Farmaajo waxay si badheedh ah dagaal ku soo qaadeen dalkan Jamhuuriyada Somaliland.Waxaana cadday naya oo ka markhaatiya 2dan qodob:
1.Dawlad ku sheegga Soomaaliya waxay Saldhig dalkeeda
ka siisay saraakiil uu hogaaminayo kornayl caare oo ka
goostay ciidanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Taasi waxay ka dhigantay Federal ku sheegga Soomaliya inay tunka u ridatay taba-barka,saadka iyo xoojinta kornayl Caare,diyaarna u tahay inay adeegsato dagaal ay ku qaadaan Jamhuuriyada Somaliland.
2.Ciidamada Amisom iyo dawlad ku sheegga Farmaajo
hogaamiyo oo isu diyaarinaya inay xoojiyaan dagaalka
ay ku soo qaadeen gudaha Jamhuuriyada Somaliland.
Waxa hubaal ah talaabooyin-kaasi inay yahiin ku talo gal ay ku doonayaan sidii ay JSL ugu xero gelin lahaayeen Federaal ku sheegga Soomaaliya.Waxa se la yaab leh dhooda-naanta Xukuumada uu hogaamiyo Mxw.Muse Biixi ee ku meeray-sanaysa Tuka-raq oo 70km ka sokaysa xuduudka JSL iyo dawlad ku sheegga Soomaaliya,kuna dooda Puntland ha joojiso dagaalka ay wado! Xataa xildhibaanada labada gole waxa looga taag la’ayahay waar la hadlina maamulka Puntland ee la hadla dawlad ku sheegga Soomaaliya ilayn waxay ka mid tahay Federaal ku sheegga Soomaaliya.Waxa ka sii daran Mxw.Muse Biixi oo looga taag la’ayahay waar ha odhan Somaliland oo xoojinaysa inaynu nahay gobol ka mid ah Federal ku sheegga Soomaliya ee sax magaca dastuuriga ah ee dalkan oo ah Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkan gaaban,Xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Mxw.Muse Biixi waa inay ka diyaar garawdaa dagaalka ay inagu soo qaadeen Amisom iyo dawlad ku sheegga Soomaaliya.Waa in laga koraa ka hadalka Puntland oo ka tirsan Federal ku sheegga Soomaaliya.Siyaasada JSL waa inay ku jihays naataa dawlad ku sheegga Soomaaliya iyo dagaalka ay cadaysatay ee ku soo qaaday JSL.

 

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker