SOMALILAND XAGGA DAWLADNIMO WAA ISKA XUKUN QARQOOSH LAAKIIN XAGGA KAFTANKA SIYAASADDA WAY HOGAAMISAA.

Somalidu waa sabool Indha dheer oo fiiro badan keli keli laakiin isku duubni waxba weli dunida ku may soo kordhin. Dawladaha Somalida iyo maamulada Somalida xagga kaftanka siyaasadda waxaa ugu afdheer shacabka reer Somaliland. Somalidu waxay u qaybsanantaa afar qof laakiin labaa qof weliba oo Somaliya si wacan u yaqaannaa labaad kale dad and u yar oo xeel dheerayaal ah uunbaa yaqaan. Haddaad imika qof kastoo Somaliya ku tidhaahdo ii til maanta qofka NACASKA LAGU-SHEEGO wuxuu markiiba sifooyinkiisa gaadhsiinayaa in ka badan boqol oo weliba wada saxa marka masataradda dhaqanka Somaliga la saaro, FARIIDKA SIFOOYINKIISA sidoo kale. Hana ku qaldamina umadaha adduunku siday u kala dhaqano duwan yihiin ayey wax walba siday u kala yaqaaniin u kala duwanyihiin. NACASKA IYO FARIIDKA SOOMAALIGA AH HALKAA ku soo dhaaf. Labada kale waa FARIIDKA NACASKA LA MOODO IYO NACASKA FARIIDKA LA MOODO, Interesting ka nolosha ama wax qabadka q of kuna halkan bay ku jirtaa Somalida wax yar bay labadan dambe ka yaqaaniin waayo la badani (reseach) iyo baadhid baa lagu helaa Somaliduna waa ummad CAAJISIIN ah oo wax ma baadhaan kamana baaraan deegaan. Xukuumadda Muse Biixi iyadoon wax baadhin bay waxay si dhaqso let u urursatay Wasiiro boqolkiiba sideetan NACASYAAL WADA AH OO MID WALBA WAXA UU QORO AMA KU HADAL NOQONAYSO KA DAROO DIBI DHAL. MUSE BIIXI ISAGU WUU OG YAHAY INUU NACASYO URURSADAY SI AANUU LABA MUCAARID U U YEELAN MID WADANI AH IYO MID KULMIYE AH. WUXUU XUSHAY WASIIRKA CAAFIMAADKA KA CIDAMADA KA BEERAHA KA DAAKHILIGA KA WARFAAFINTA KA CIYAARAHA KA MAALIYADDA KA SAFIIRKA JABUUTI KA SAFIIRKA ETHIOPIA (ALLAH AKBAR) KA MADAARADA JANANKA POLICE KA IYO QAAR KALOO BADAN WELI NA LIISKU NACASYADU KOR BUU U SII SOCDAA WADANKA MAAMULKIISUNA HOOS BUU U SII SOCDAA.

MBASHE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker