Labada Ciyaartoy Ee Drogba iyo Eto’o Oo Cambaareeyey ‘dhaqaatiir soo jeediyay in Afrika lagu tijaabiyo tallaalka cudurka Corona “

Labo ciyaartooy oo caan ah oo kasoo jeedo qaaradda Afrika ayaa cambaareeyay hadal kasoo baxay labo dhaqtar uu dhashay Faransiiska kuwaas oo soo jeediyay in tijaabada tallaalaka cudurka Covid-19 marka hore lagu tijaabiyo dadka Afrikaanka ah.

Labada dhaqtar ayaa waxay ka qeybgalayeen dood ka baxday telefishin kasoo baxa Faransiiska.

Didier Drodga wuxuu sheegay in Afrika aysan aheyn sheybaar lagu fuliyo tijaabooyinka.

Halka ciyaartooygii hore ee u dheeli jiray xulka Cameroon Samuel Eto’o uu ku tilmaamay dhaqaatiirta inay yihiin ‘dad dilaa ah’.

Hadalka kasoo baxay dhaqaatiirta ayaa waxay si weyn u dheleeceeyay ururada kasoo jeedo midab takoorka iyo dad kale oo uga hadlay baraha bulshada.

Koowdii bishan April ayay aheyd markii telefishinka laga leeyahay Faransiiska ee LCI uu wareysi la yeeshay labada dhaqtar ah ee kala ah Dr Jean-Paul Mira iyo Dr Camille Locht ay sheegeen in tijaabada tallaalka looga hortaggayo cudurka Covid-19 marka hore lagu fiiriyo Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker