MAXAAN KU DOORTAY C/RAXMAAN C/SHAKUUR MUWAADIN SOMALILANDER AH ? By : Maxamed Xoosh

Lama Wada Koobi Karo Sifooyinka GUD : Xisbiga Wadajir Leeyay Balse Aynu Ka Taabano Qaar Ka Mid ah

C/Raxmaan Markaan Dhagaystay Waxa Dareemay In Uu Xambaarsan Yahay Fikir Diini Ah Oo Waaqica La Socda Sidoo Kale Xambaarsan Fikir Falsafad Siyaasi Reer Galbeed Ah Oo Qoto-Dheer “Wuxuu Kulmiyay Laba Fikir Oo Hogaamiye Walba Looga Baahan Yahay” Soomaaliya Wax Badan Ka Og

C/Raxmaan Dhibtii Iyo Burburka Soomaaliya Haysta Kuma Tuhmaayo QABIILO GAAR AH, ASHKHAAS, ETHIOPIA ,CARABTA….. Wuxuu Runta Ka Sheegay In SOOMAALI Iyaddu Sabab U Tahay Dhibta Haysta !

Cs/Raxmaan Wuxuu La Yimid Fikir Iyo Falsafad Cad Oo Dadka Iyo Dalka Lagu Hogaaminaayo Oo u Diyaarsan Marka Hore “Jid Cad Oo u Jeexan”

Gudoomiyaha Wadajir Wuxuu u Si Fiican U Yaqaan Macnaha Dawladnimada Iyo Xukuumada Waana Nin Ahaan Jiray “Bureaucracy” Dawladda Kana Ag Dhawaa Halka Go,aanku Kasoo Baxi Jiray

Gudoomiyaha Aqoonta Sare Waxa U Dheer Sida Ka Muuqata Akhris Badan, Dhagaysi Badan, Dulqaad Ay Dhacdadii Ku Dhacday Markhaati u Tahay, Fikir Togan

Wuxuu Aaminsan Yahay Qiyam Soomaaliya Dhibta Ka Saari Kara Waxa Ka Mid Ah DAWLAD MUWAADINIMO KU DHISAN LAWADA LEEYAHAY, SAAMIXAAD IYO CAFIS, ARAGTIDA KAALA DUWAN OO LA DHAGAYSTO, HAY,ADAHA DAWLADDA OO SIYAASADA LAGA FOGEEYO DHEX NOQDA…..

Fiiro Gaar : Run Iyo Daacadnimo Badan, Nin Wanaagsan Waa Sheeko WADAAD, Siyaasigu Wuxu Ku Shaqeeyaa Maxaa Ka Suurtagal Ah Hawlaha Horyaal

Anigoo Ah Muwaadin U Dhashay Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ku Adag Jiritaankeeda Waa Aragtida Aan Ka Qabo Soomaaliya Yaa Wadi Kara.

 

Maxamed Xoosh

mxoosh09@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker