Madaxweyne Farmaajo Oo Xukuumadda Muuse Biixi Kasoo Ooday Xidhiidhada Arimaha Dibadda Iyo Heshiisyada Diblomaasiyaddeed

Tan iyo in muddo   Dawladda Federaalka ee Soomaaliya  waxa ay dadaal weyn galiyeen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen Aqoonsinimada beesha caalamka ee wixii la isku odhan jiray Soomaaliya waxaanay taasi keentay inkasta oo xaalad amni xumo   jirto haddana ay si weyn u soo dhismayaan nidaamkooda dawladnimo iyo xeerarkii dalkaasi lagu maamuli lahaa oo maalin walba heer soo marayay tan iyo xukuumaddii Xasan Sheekh, Arrinkaasi oo saamayn weyn oo xun ku yeelan kara Mustaqbalka siyaasadeed, dhaqaale iyo Diblomaasi ee Somaliland.

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaarihiisa oo taageero iyo dacmi ballaadhan ka helaya jihooyin kala duwani waxa ay awoodda saareen sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen qaab macaamilka adduunku wakhtigan ku eegayo intiisa badani dawladdaasi taagta daran balse magacii Soomaaliyeed ku maxaafsanaysa oo si kasta oo ay u tamar yar tahay, dagaalo iyo qalalaase siyaasadeedna ugu furan yahay haddana horumar weyn ka samaynaysa dhismaha dawladnimo oo meel hoose laga soo bilaabay.

 

Dadka siyaasadda Soomaalida u kuur galaa waxa ay isha ku hayaan sida Dawladda Soomaaliya  u curyaaminayo awoodii madaxda Maamul Goboleedyada iyo waliba sida uu dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland ugala dagaalamayo wax kasta oo la xidhiidha xidhiidhada arrimaha dibadda, heshiisyada iyo diblomaasiyadda .

 

Dawladda Soomaaliya waxa ay bilihii la soo dhaafay heshiisyo kala duwan oo dhaqaale badani ku baxayo beesha caalamka kala saxeexatay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii dalkaasi loogu samayn lahaa xeerarka ay ku shaqeeyaan laamaha dawladda dalkaasi sida Xeerka Duulista Hawada, Xeerka Ganacsiga iyo dhaqaalaha, Xeerka Socdaalka & Jinsiyadaha, Xeerka Badaha iyo Kalluumaysiga, Xeerka Macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah, Xeerka Amniga qaranka, Xeerka safaaradaha dibadda ee diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Xeerka Iskaadhsiinta, kuwaasi oo ku salaysan in lagu dhiqi doono dhammaan wixii la isku jiray Soomaaliya oo Somaliland ku jirto waxaana layaab noqonaysa sida beesha caalamku arrinkan ugu taageerayso dawladda Soomaaliya   iyada oo xeerar badan oo kuwan ka mid ah la ansixiyay kuwo kalena ay wakhtigan dalkaasi laga diyaarinayo, dhammaantoodna ku salaysan 18-kii Gobol ee dawladdii Soomaaliya.

 

Samaynta xeerarka iyo shuruucda dawladnimo ee dalkaasi waxa ay saamayn weyn oo xaqiiqo ah ku yeelan doonaan Somaliland oo aanay xukuumadda wakhtigan joogtaa awood u lahayn ay kaga hor tagto shirqoolladdaasi iyo is ballaadhintaasi dawladda Soomaaliya  iyada oo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi xaaladdeeda wakhtigani dhinaca arrimaha dibadda iyo xidhiidhada caalamka ka soo oodantay.

Image result for farmaajo iyo muuse

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker