Dawlada Itoobiya Oo Shaaca Ka Qaaday 56 Kamid ah Saraakiisha Dawlada Gobalka Oromiya Oo Xabsiga Loo Taxaabay
Adis(OWN)-Dawlada Itoobiya ayaa shaaca kaqaadey Salaasadii in xabsiga loo taxaabey 56 kamid ah saraakiisha dawlada ee gobalka Oromiya, kadib kolkii uu gudiga dhawaan la sameeyay ee la dagaalanka musuqmaasuqu uu ku soo eedeeyay in ay lunsadeen hanti dadweyne.
Waxa kale oo bishii Nofembar la xidhxidhey koox ka mid ah saraakiil ciidan oo aad loo yaqaaney kuwaas oo la sheegay in la qabtey iyaga oo faraha kula jira hawlo musuqmaasuq sida ay xaqiijsay warbaahinta maxaliga ah.
Talaabooyinkan lagu baacsanayo dadka musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta ku kaca ayaa daba socda qoshihii uu ballan qaadey raisal wasaare Abiy Ahmed Ali bishii Abril ee sannadkan markii xukunka loo dhiibey.