Ciidanka Booliska Ee Magaalada Laascaanood Oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Saakay Dad Ku Laayey Magaalada Laascaanood.

Laas-caanood-(OWN)-Labanin oo hubaysan oo saaka dad ku laayey galbeedka magaalada Laascaanood ayaa ciidanka Boolisku ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan.

Dablaydan ayaa rasaas aan loo miidaan deyin ku furay maqaaxi ku taala seylada geela oo ku taala K/galbeed magaalada Laascaanood, halkaas oo nin ku dhintay sadex kalena ay ku dhaawacmeen oo haatan isbitaalada lagu daaweynayo.

Saraakiisha ciidanka Booliska ayaa  xaqiijiyey in denbiilayaasha ay ka soo qabteen galbeedka magaalada oo ay isku deyayeen in ka baxsadaan, walow ay iska cabin kala kulmeen waxaa lagu guulaystey in gacanta lagu dhigo labanin iyo hubkoodiiba.

Dhacdadan ayaa la sheegayaa in ka dhalatay khilaaf dhul oo sabab ay in khasaarahan uu ka dhoco.

Falka noocan ah ayaa ah Kii labaad ee todobaadkan ka dhaca magaalada Laascaanood iyadoo labadaba ay ciidamadu ku guulaystaan gacan ku dhigida dadkii falalka geystey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker