Wasiirka Qorsheynta Cawaale Ibraahin Shirwac, Masuul Dardar-geliyey Hawlaha Qorsheyneed ee qaranka Somaliland!!! W/Q Saki Xasan Saleeban.
Hoggaamiye kastaa waxa guul-gaadhsiiya cidda garbihiisa joogta, waxaana lays weydiin karaa Ummadi ma noolaan kartaa Hogaan la´aan/ Madaxweyne la´aan? Jawaabtu waa Maya! Ma dhici karto inay jirto, ummad aan lahayn Hogaan, toosiya, Aayaheeda ka talisa, magaceeda iyo sumcadeeda-na kor u qaada. Hogaanku waxa uu lamid yahay abuurka qofka Bini-aadamka ahi qaab-dhismeedkiisa naf ahaaneed, mana jiro qof Nool oo bilaa Madax ahi oo noolada ama nafi ku jirto.
Haddaba, Iyaddoo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay hadda Madaxweyne aad u firfircoon oo Ilahay Mahadi-haka gaadhee weli leh awoodii dhalinyaro-nimo iyo kartideedi, haddana waxa wax lagu farxo ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inay garbihiisa taagan yihiin oo ay xukuumadiisa kamid yihiin dhalinyaro xilalka qaranka uu u igmaday, kuwasoo leh aragti waxqabad caafimaad qaba iyo hufnaan shaqo oo dhamaystiran.
Shaqsiyaadka muraayadda ah ee waxqabadka iyo horumarka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi doorka weyn ka qaatay mudada yar ee ay jirtay waxa kamid ah Wasiirka Wasaarada qorsheynta Somaliland Md. Cawaale Ibraahin Shurwac, oo Isbedel Ballaadhan iyo horumar tisqaada ku sameeyey wasaaradiisa.
Wasiir Cawaale waxa uu Kamid yahay shaqsiyaadka maskaxda iyo garaada tolmoon leh ee qaranka Somaliland maanta nasiibka u helay inay madax u noqdaan, wasiir cawaale, waxa uu isbedel la mahadiyey ku sameeyey Wasaarada Qorsheynta, isagoo ka dhigay wasaarad shaqadeedii si wanaagsan u gudatay, isla markaana dabooshay baahiyihii qorsheyneed ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi lahayd.
Sidaas daraadeed Akhriste Tani maha amaan iyo boggaadin dhalanteed ah, balse waa mid jirta oo ay ka markhaati yihiin shaqsi kastoo xog-ogaal u ah dhaqdhaqaaqyada dawladda sanaadka jirtay ee u gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi.
Waxqabadka waxa lagu tusaaleeya dhalinyarada madaxda ah, sida cagaf-cagafka oo kale, waa qalabka loo isticmaalo tacbashada beeraha, dhismaha qaranimo, nidaam shaqeeya oo dawladeed, mid qorsheyneed iyo weliba horumar kastaa oo bulsho gaadho. Sido kale dhalinyaranimaddu way dhici kartaa ama dhacdaa in loo isticmaali karaa duminta dhismo ama guri, ama qaranba. La soco qaybaha dambe.
W/Q
Saki Xasan Saleeban
Hargeysa/Somaliland