Wararkii Ugu Danbeeyey Bannaanbax Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Dalka Kazakhstan

Ciidamada amaanka ee dalka Kazakhstan ayaa sheegay in ay dileen tobonaan waxa ay ku tilmaameen rabshado wadayaal lidi ku ah dowlada kadib howlgal lagu soo celinayo amaanka magaalada ugu weyn ee Almaty.

Afhayeen u hadashay booliiska ayaa sheegtay in ay falkaas sameeyeen kadib markii dibadbaxayaashu ay isku dayeen in ay la wareegaan saldhigyada booliiska ee magaalada.

Inta la xaqiijiyay 8-askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Sugida ayaa horay loogu dilay qalalaasaha, kadib markii la laba jibaaray qiimaha Gaaska dareeraha ah.

Ruushka ayaa go’aansaday inuu u diro ciidamo codsi ah oo ka yimid madaxweynaha Kazakhstan, Kassym Tokayev.

Dibadbaxayaal diidan dowladda oo ku suganaa magaalada ugu weyn ee Almaty, ayaa Arbacadii xoog ku galay xafiiska duqa magaalada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker