Maayarka Hargeysa Oo Shaqaaleysiisay Wiil Muwaadin Dhalinyaro Ah Oo Gaadhi-ximaar Ku Shaqeysan Jiray

Waa Talaabo Dareen Waddaniyaddeed Xambaarsan, Loo-na Qaaday Dhanka Wanaagga, Isla-markaana Muddan In Lagu Hambalyeeyeyo Masuul Kasta Oo La Yimaadda Wax Wanaagsan Oo Ummadda Farxad-gelinaya.

Duqa Caasimadda Hargeysa, Golihiisa Deegaanka Iyo Masuuliyiinta Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Shaqaaleysiisay Wiil Muwaadin Dhalinyaro Ah Gaadhi-ximaar Ku Shaqeysan Jiray.

Wiilkan Dhalinyaradda Ah, Ayaa Ololihii Nadaafaddeed Ee Khamiistii Toddobaadkan Kaga Qaybgalay Gaadhi-ximaarkiisa Uu Jiidayo Dameerku.

Run Ahaantii Waa Talaabo Dareen Waddaniyaddeed Xambaarsan, Isla-markaana Muddan In Lagu Hambalyeeyeyo Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdikariim Axmed Mooge, Maayar Ku Xigeenka Khaddar Axmed Cumar, Xubnaha Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa Iyo Dhammaan-ba Masuuliyiinta Dawladda Hoose Ee Hargeysa-ba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker