Maxaa Sababey Dabka Iyo Gubashada Suuqa Waaheen Ee Magaalada Hargeysa
Maxaa Sababey Dabka Iyo Gubashada Suuqa Waaheen Ee Magaalada Hargeysa oo Caawa ay U Aheyd Habeenkii uu Sida Weyn U Gubtey
MA aha Markii u Horeysay ee Nooceeda ah, oo Suuqa Waaheen ee Caasimada Somaliland Hargeysa Gubto haseyeeshee, Dabka Ka Kacey Caawa ayaa ahaa Mid Khasaaraha uu Geystay iyo Xajmigiisuba aad uga Weynaa Gubashadii uu Awal hore Guban jirey Suuqaasi iyaddoo ay Shacabka Caasimada ku nooli argagax Weyn ka muujiyeen Dareen ahaan, Waxaanu noqonayaa Dabkii ugu cuslaa oo Mudo Soddon Sanadood ku Siman Ka Kaca Magaalada Hargeysa.
haddaba iyadoo lawada dareemay, Halista Dabka Ka kacey Suuqa Waaheen ee Faras magaalaha Hargeysa, haddana Waxa Isweydiin muddan Sababta dhalisay Dabkan oo ah mida kaliya ee ay isweydiinayaan Kumanaanka Kun ee Kunool Magaalada Hargeysa inkastoo aanney ilaa hadda jirin Xog dhab ah oo Lagu Xaqiijin karro Sababta dhalisay dabka intan leeg haddana Waxaa Dad badani Rumaysan yihiin in Sababta dhalisay dabkan ka kacay, Suuqu tahey Mid ka dhalatey khalkhalka, iyo Mushkiladaha ka dhasha Korontada, oo ah Mid aanney inta badan ka taxadirin Shirkadaha leydhku iyadoo ay jiraan Dhibaatooyin iyo khatar ku hareeraysan Xadhkaha Korontada, oo la moodo In ay Sida xuubka caaradda uga laalaadaan Guryaha Dushooda Kuwaas oo Wakhtiyada qaar Xanibaad ku Sameeya Gaadiidka Xamuulka ah ee dhexmaraya Badhtamaha jidadka Hargeysa.
Sikasta, oo ay tahey, iyo Gees Kasta oo laga eego Waxaa Mar Walba la Xaqiijinayaa in Sababta ugu Weyn ee Dabka noocan ah dhalisay aaney geesna u dhaafsanayn Dayaca Shirkadaha Korontadu Ku hayaan Gudaha Magaalada Iyaddoo Xadhkaha Leydhku yihiin Kuwa aaney habayaraatee Wax Masuuliyad Isla Saarin Taas oo Dadka Aqoonta Durugsan u leh halista iyo khatarta at Korontadu Sababto, in badan ka Deyriyeen Qaabka ay u yaalaan Xadhkaha Leydhku, Khusuusan Suuqa Waaheen, Waxaa ka Furan Boqolaal meheradood, oo Dhismayaasha Ka Sokow Baco, iyo Maryo jilicsani wajahadooda Ka lushaan Kuwaas oo si Fudud u Gudbinaya, Dabka ka Qarxa Xadhkaha Leydhka.