Haay’adda Duulimaadyadda Somaliya Ayaa Soo Saartay Amar Diyaaraha Ka Mamnuucaya Inay Duulimaayo Ku Tagaan KISMAAYO ilaa 26 Bishan

Muqdisho:(OWN)-Warkan kasoo baxay Haay’adda Duulimaadyadda ee Dawladda Federaalka Somaliya,ayaa lagu cadeeyay in aanay jiri doonin Wax-duulimaad toos ah oo tagaya Magaaladda Kismaayo laga bilaamo maanta oo ay Taariikhdu tahay 23 Sep,ilaa 26 Sep,iyada oo halkaas la filayo inay dhawaan ka dhacdo Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Ahmed-Madoobe.

Mamulka Haay’adda Duulista,ayaa fartay Shirkaddaha Diyaaraha inay u hogaan samaan go’aanka Dawladda,isla-markaasna mudadaas ay xayiraado jirto aanay samayn wax duulimaad ah oo ku waajahan Magaalada Kismaayo.

Dawladda Somaliya ayaa si weyn uga soo hor-jeeda dib-u-doorashadda Madaxweyne Ahmed-Madoobe,waxaanay maalintii shalay hor-is-taagtay Safar uu Kismaayo ku tagayay Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo ka mid ahaa madaxii lagu marti-qaaday Xafladda Caleemo-saarka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker