Maxaabiis Argigixiso Ugu Xidhan Hargeysa Oo Cuntada Ka Soomay

Wararka  magaalada Hargeisa ee Somaliland ayaa sheegaya in 9 maxbuus oo kiisas argagixiso u xidhan ay cuntada ka soomeen, kooxdan ayaa ku xidhan xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa.

 

Maxaabiista ayaa waxay ka cabanayaan in xabsiga ay ku muddo dhaafeen, sida uu  sheegay qareenkooda Maxamed Axmed Abokor. Maxabiistan ayaa cuntada ka sooman 3 maalmood ee u dambeeyay.

 

Dhinaca kale, saraakiisha wasaaradda caddaaladda Somaliland oo aan kala xidhiidhnay arrinta maxaabiistan cuntada ka soomay wey ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.

 

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa sannadkii 2007kii cafis xabsi ka qafiifin ah u sameeyay maxaabiistan, hase ahaatee 2008dii ayuu kala noqday madaxeyne Rayaale cafiskii ka dib qaraxyadii ka dhacay magaalada Hargeysa.

Related image

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker