TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeย Marxuum ย Maxamed Cabdi Raageย oo ku geeriyooday maanta ย oo ay taariikhdu tahay 16/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi wasiirkii hore ee horumarinta maaliyadda, imikana ahย xubinย ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka mudane Yuusuf Maxamed Cabdi oo uu marxuumku aabbihii ahaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

ย 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

ย  ย  ย  ย  ย  ย 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker