Dawladda Federaalka ah ee Somalia oo Taageertay Heshiiska dhexmaray Sucuudiga Iyo Qadar
Muqdisho (OWN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale lagaga hadlay arrimo ku aadan xiisada dalalka Khaliijka, gaar ahaan heshiiska Horudhaca ah ee ay gaadheen dowladaha Sucuudiga iyo Qatar.
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu horreyn Boggaadisay waan-waanta iyo dadaalka joogtada ah ee ay waddo Kuweyt, ee xalka horudhaca ah lagaga gaadhay Xiisadaasi.
Sidoo kale waxa ay Villa Soomaaliya soo dhoweysay Bayaanka Wasaaradda arrimaha Debedda dalka Kuweyt ee ku saabsan midho-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta boqortooyada Sucuudiga iyo dowladda Qatar.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Debedda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar,” ayaa lagu yidhi Warsaaafadeedkan.
Qoraalkan ayey sidoo kale ku sheegtay dowladda Soomaaliya inay muhiim tahay soo celinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah.
Ugu dambeyn Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday inay ka go’an xoojinta xidhiidh diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo iypo wax wadaqabsi
“Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah,” ayaa makale lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey go’aan dhex-dhexaadnimo ah uga qaadatay xiisada diblomaasiyaasadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Sucuudiga iyo Qatar