Xildhibaan James Carver Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Midawga Yurub Oo Sheegay Hadlay In Uu Sii Wadayo Taageeradiisa Somaliland.

Brusseels-(OWN)- Xildhibaan James Carver oo ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub isla markaana laga soo doortay gobolka West Midlands ee UK ayaa hadlay taageerada uu la garab taagan yahay Somaliland.

Siday ku warantay Wakaallada Wararka ee SOLNA, James  Carver wuxuu  Magaalada Brusseels ee dalka Biljam ku soo dhaweeyey weftigii uu Hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici).

Xildhibaanka oo muddo dheer taageere u ahaa dedaalka aqoonsi raadinta Somaliland, ayaa shabakadiisa ku baahiyey inay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ka wada hadleen caqabadaha haysta dimuqraadiyada Somaliland. Waxaanu intaas ku daray in farriintiisu ahayd sidii doorashada baarlamaanka Somaliland u hirgeli laheyd.

Xildhibaan James  Carver, wuxuu intaas raaciyey in Somaliland halbowle u tahay ammaanka Gobolka Geeska Afrika, sidaas darteedna ay sii wadayaan sidii ay taageero ugu raadin lahaayeen dedaalka Somaliland ee ku wajahan  la dagaalka xagjirnimada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker