Ganacsatada Qaadka Ee Kenya Oo ku Hanjabay inay Joojinayaan Qaadka Ay U Dhoofiyaan Soomaaliya
Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay Soomaaliya sii waddo muranka dhinaca Soohdinta Badda iyo xiisadda diblumaasiyadeed ee labada dal u dhaxeysa.
Afhayeenka Ganacsatada Qaadka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in Madax banaanida Kenya aanay siinayn Suuqa Qaadka ee Soomaaliya.
Waxaa mr Kimathi Munjuri , sheegay in Soomaaliya ay markasta Kenya ku handado joojinta Qaadka Kenya.
“Kuma iibsan karno Qaad madax banaanida dalkeenna, Soomaaliya mar waliba waxa ay ku gooddisaa Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya.” Ayuu yidhi mr Kimathi Munjuri.
Qaadka Kenya ee Soomaaliya soo gala maalin waliba waxaa lagu sheegay 50 tan in uu gaadhayo waxaana dowladda Kenya maalin kasta ka heshaa Suuqa Qaadka Soomaaliya 100-Milyan oo shilinka Kenya ah.
Soomaaliya waa Suuqa Qaadka kaliya ee ay hadda haysato Kenya, waxaana ay ka tahay 90%, maaddaama dalalka UK, Australia iyo kuwo kale ay Qaadka Kenya mamnuuceen kaddib markii ay ku sheegeen in uu daroogo yahay.
Xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa cirka isku shareertay kaddib markii ay kenya la baxday danjiraheedii Soomaaliya kii Soomaaliyana soo ceyrisay.
Oodweynenews Muqdisho