LABA SUUFI SIJAADAD QUDHA WEY KU WADA TUKAN KARAAN LAAKIIN LABA MADAXWEYNE KUMA HESHIIN KARAAN DUNIDOO DHAN LABADIINU QAYBSADA OO XUKUMA.

Somaliland iyo Somalia xuduud aan marina muran geli karin Bay leeyihiin oo la mida xuduudaha adduunka. Marnaba may dhicin in sidii xuduuddaa Somaliland iyo Somalia wax ka bedel ku yimi. MOXAMED SIYAAD BARRE ayaa Mar is yidhi ku day Madaxweyne Julius Nyerere of Tanzania markuu madax weynaa Afrika ahaa ayuu UNITED NATIONKA KA DHAMMAYSTAY INUU BAABIYO XADKII U DHEXEEYEY ZANZIBAR IYO TANGANYIKA oo afar sano kala wadan ahaa markii 1964kiina isku DARSADAY ayuu President Julius Nyerere xadkii ku guulaystay inuu masaxo oo UN KA DHAMMAYSTAY. ka dib wadamo badan oo ayaa is yidhi sidiisoo kale ka codsada UN ka, UN KII NA SHARCI CUSUB BUU KA SOO SAARAY INAAN XAD DAMBE LA BAABIIN KARIN, markaa Afweyne wey u Socon weyda oo waa laga diiday inuu xadka Somaliland iyo Somalia BAABIYO.

Waxaa timi sheekadan xadka Somalia iyo Somaliland leeyihiin waan ku dagaalamaynaa maaha mid Dan dhinac a dani ugu jirto ee kolba HOGAAMIYA yaasha labada dal ayaa Siyaasad gaara ka leh oo khaldan inuu qof ku dhintaa meel aan wax waxtara la gelin oo dadkii ku noolaaba ku bakhtiyayaan oo aan midi a wax horuumar ah gelin Xukuumadaha ku dagaalamayaa oo gobolka SOOL wuu ka liitaa maanta 50 sano ka hor siduu ahaa wuu ka liitaa gobolku, maamul wax aan ciidan iyo hub ahayn geeyeyna ma jiro, kuwii gobolka lahaana nacasyaal Bay noqdeen iniba Maamul Bay ku tidhi hub iyo ciidan soo dhoob gobolkayaga oo kaaraya ololiya. Kuwan Madaxweyne yaasha lagu sheeganaya xaalkoodu waa kibir iyo jinni boqor. Waxaa la yidhi LABA SUUFI SIJAADAD QUDHA WAY KU WADA TUKAN KARAAN LAAKIIN LABA MADAXWEYNE KUMA HESHIIN KARAAN DUNIDOO DHAN LABADIINU QAYBSADA OO XUKUMA WAANA MADAXWEYNE Biixi iyo Madaxweyne Gaas. Waxaa dad badan iyo adduunkuba qabaa inay labadan wadan Mar si rasmi ah isugu biireen haddana ay kala goeen oon wax dambe isugu jirin laakiin ay hadhay uun markii Warqadda sharciga ah la kala qaadan lahaa, cidina isku a qasbi karto iyaguna isma qalbi karaan laakiin shacabka caydha ah ee wax horuumara iyo wax isbedela noloshoodii lagu sanmeeyey jirin inaan la isku garaacin. Haddii loo fiirsado nolosha maanta ay ku jiraan dadkaa Somalida ahi inay ku jiraan noloshii ugu horaysay ee markii Adam iyo Xaawa la soo tuuray siday u noolaaneen iyo waxay ku noolayeen. Waa dad aan waxba haysan oo la leeyey dagaalama waxba kama duwana dadkii waallaa ee la odhan jiray foosto gun la dhaamiya. Wax kastoo dhaca cid guul ka gaadhaysa Xuduudda Somaliland iyo Somalia waa guul darro ee haloo balamo sidii la isu furi lahaa dabadeed cid waliba gaajadeeda halkeeda ha la joogto inta wedku u imanayo.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker