Ciyaaryahanka Lionel MESSI Oo Markii 6aad Ku Guuleystay Xiddiga Dunida

Lionel Messi ayaa caawa markii lixaad ku guuleystay ciyaartoyga kubbadda cagta ugu wanaagsan dunida sanadka 2019.

Xiddiga xulka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa abaalmarintan Ballon d’Or kaga guuleystay xiddigaha Liverpool ee Virgil van Dijk, Sadio Manè, Mohamed Salah iyo xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo oo kaalinta labaad galay.

Lionel Messi ayaa sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta Kabta Dahabka Yurub, maadaama uu ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badnaa horyaalada waaweyn ee Yurub xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay.

Dhawaan ayey ahayd markii Messi ku guuleystay abaalmarinta xidiga sannadka FIFA ee loo yaqaano ‘The Best’ waana abaalmarintii labaad ee uu hanto billo gudahood.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker