Maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo Sii daayay 290 Maxbuus oo Yamaniyiin ah , Dhex dhexaadintii QM ka dib+Sawirada

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta sii daayay 290 maxbuus oo Yemeni ah, siidayntana waxa ay qayb ka ahayd dhexdhexaadin ay samaysay qaramada Midoobay oo la doonayay in nabad lagu soo badaalo dalka Yemen

“Talaabadan aan qaadnay waxa ay cadayn u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan fulino heshiiskii Sweden, waxana aan dhinaca kale ugu baaqaynaa inay qaadaan talabaooyin lagu kalsoonaan karo oo muujinaya inay heshiiskaas u hogaansan yihiin” sidan waxa yidhi madaxa jeelasha iyo maxaabiista ee Xuutiyiinta Abdul Qader al-Murtada oo warbaahinta kula hadlay xabsiga Sanca hortiisa

 

Boqolaal rag ah oo loo xidhay dhar nadiif ah ayaa xabsiga ka soo baxay, banaankiisana lagu safay iyada oo ay ilaalinayaan ciidamo hubaysan, ka hor inta aan lagu wareejin hayada Laanqayrta Cas oo iyo fududaynaysay hawlahan maxaabiis kala badalashada ah, waxana markii ay maxaabiistu soo gaadheen gacanta Laanqayrta Cas loo kala daad gureeyay deegaanadii ay ka soo jeedeen ee dalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay maanta oo isniin ah inay qorsheeyeen inay sii daayaan 350 maxbuus oo Yemeni ah oo ay ku jiraan saddex maxbuus oou dhashay dalka Sacuudiga, waxana ay talaabadan qayb ka tahay heshiiskii bishii December ku dhex maray Xuutiyiinta iyo Xukuumada uu caalamku aqoonsan yahay, waxana uu heshiiskaas dhigayay in labada dhinacba ay is dhaafsadaan 7000 oo Maxbuus.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen Martin Griffiths ayaa labada dhinac ugu baaqay inay qaadaan talaabooyin dheeri ah oo ku aadan siidaynta maxaabiista.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker