Siyaasi ka soo Jeeda Galbeedka Hargeysa Oo Isu Diyaarinaya Inuu Ku Dhawaaqo Urur-siyaasaddeed

Siyaasi  Cismaan Maxamed Badmaax oo ka mid ah Aqoonyahanka iyo Haldoorka Somaliland ee daneenaya furista ururada siyasaadda, ayaa maalmihii u dambeeyey ka waday Magaalada Hargeysa kulamo uu ugu gogol xaadhayo inuu ku dhawaaqo Urur-siyaasaddeed ka mid noqda Ururrada siyaasadda ee Somaliland.

Cismaan Maxamed Badmaax, ayaa kulamo gooni gooni ah la yeelanayey qaybaha kala duwan ee Bulshada Deegaankiisa, isaga oo kala hadlayey damaciisa u uku doonayo inuu furto Urur-siyaasaddeed.

Masuuliyiinta Deegaankiisa ee uu la kulmay Aqoonyahan Badmaax, waxa ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Dayib Ku Cadeeye oo ah Xildhibaanka deegankiisa ku matela golaha wakiilada shirka oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay si midaysan u taageeren furista ururada siyaasadeeda cusub.

Badmaax oo hore u soo noqday Mareeyihii Maalgashiga Somaliland, sidoo kalena muddo dheer ka soo shaqenayay shirkadaha Shidaalka dalalka Khaliijka Carabta oo bartay shuruucda caalamiga ah iyo dhaqaalaha ayaa ka mid ah Aqoonyahanka Reer Somaliland ee damacu kaga jiro hanashada hoogaminta dalka.

Badmaax, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda soo bandhigo damaciisa la xidhiidha Urur-siyaasaddeed uu doonayo inuu samayso.

Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax, ayaa noqonaya masuulkii u horreeyey ee ka soo jeeda Deegaanka Madaxweynaha ee si toos ah u bilaaba dhaqdhaqaaq uu ku doonayo inuu ku furo urur-siyaasaddeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker