Kulankii Labaad ee Xukuumadda iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa Xalay Ka Qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir gudoomiyey kulankii labaad ee ay yeeshaan Labada Wasaaradood ee Arimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Laamaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida Iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka, kaasoo xalay fiidkii ka qabsoomay Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Shirkan ayaa loogu diyaar garoobayey qabsoomida Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Jamhuuriyadda Somaliland, taaso dalka ka qabsoomaysa
28-12-2022, sida ay horey u shaaciyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku.

Kulankan waxaa warbixin ka bixiyey halka hawluhu u marayaan Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Mudane, Muuse Xasan Yuusuf oo muujiyey sida ay u diyaar garoobeen Guddida ahaan, iyagoo ay ka muuqato hawlkarnimo iyo isku duubni, dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo bandhigay qorshaha amni ee goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Xuduudaha dalka, kaasoo guud ahaanba diyaar ah, ayna diyaar garoobeen Ciidamadii hawsha Diiwaangelinta loo qorsheeyey.

Waxaana mudada Diiwaangelintu socoto hawlahan ka wada shaqaynaya Guddi Farsamo oo kooban Saraakiil Ciidan oo ka socda Talisyada kala duwan iyo Xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker