Muxuu Salka Ku hayaa Safarka Uu Pro Cali Khaliif ku Jooga Caasimada Muqdisho ?

Muqdisho (OWN ) – Cali Khaliif Galaydh  oo ah hogaamiyaha maamulka Khaatuma State ee ku biiray Somaliland islamarkaana ka dhisnaa gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan socdaalkiisa.

bals sida ay Ogaatay yaa Oodwaynemedia sababta rasmiga ah ee ka dambeysa socdaalka Cali Khaliif Galyr oo maalmo ku sugan caasiamda Soomaaliya ee Muqdisho kadib socdaal uu uga yimid dalka Itoobiya.

Madaxweynihii Khaatuma State Mr Cali Khaliif Galaydh ayaa magaalada Muqdisho u yimid sababo caafimaad kadib xanuun uu dareemay, ayada oo ay qoyskiisa kula taliyeen in uu aado Muqdisho si loo daaweeyo.

Ehallada Mr Galaydh ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ku jiro Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho islamarkaana laga daaweynayo kiliyada, sidoo kalane lagu sameynayo baaritaano caafimaad.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa warar sheegaya in Cali Khaliif Galayr uu u yimid Muqdisho marti-qaad uu ka helay madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana loo adeegsan doono kicin dadweyne oo ka bilaawda gobaladii Khaatuma State ee ku biiray Somaliland kadib markii ay la heshiiyeen hogaaankii Madaxweyne Siilaanyo, balse taas ma muuqato.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker