Hargaysa-(OWN)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtey kana soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey safaro ugu maqnaa Waddamada Yurub gaar ahaan dalalka Ingiriiska Faransiiska iyo Finland. .
Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa waxa shalay ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xil Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde iyo Xoghaye ku xigeenka xisbigaasi Jamaal Jaamac Xaamud . Soo laabashada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaysa xilli uu safar Ugu baxay Gobolada Bari Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Back to top button